Reer Barigii Boosaaso Oo Ganacsigoodii Xiray Sheegayna Canshuuraha Xad-dhaafkaa In Aysan Bixinaynin


BOOSAASO:-
Reer Barigii Boosaaso ayaa dhawaan Faroole ku fasaxay Shirkado ka qaada, Canshuuraha, Shirkadahaas waxaa kamida, Shirkado, Baabuurta Taarikada ku dhagan Dadka u gooya, Baabuurtana Canshuur ka qaada gooniya. Sidoo kale waxaa soo badanaya Shirkadaha la wareegaya Ilaha dhaqaalaha, sida dowladda Hoose, Dekadda Boosaaso, Garonka Diyaaradaha iyo dhowr Wasaaradood oo kale.

Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa dareemay in Rag Qurbaha joogay ay usoo shaqatageen, Ragga Shirkadaha wata ayaa badankoodu ka yimid Waqooyiga America iyo Yurubta, waxayna dhaqaalaha wada qaybsadaan oo sheer ku leh Faroole. Doolaarkii Maraykanka ayaa hoos u dhacay kadib markii Burcad badeedu soo galiyeen Doolar badan, sidoo kalana Hay’ado badan ay faraqeen doolar ay ku naafaynayaan Ganacsiga Soomaalida.

Waxaa Ganacsatada Soomaaliyeed lagu wadaa in Hantidooda lagala wareego ama la burburiyo, waxaana jooga Puntland Hay’ado sicir bararka kaqayb qaata. Lama garanayo tilaabooyinka ay qaadayaan Ganacsata Boosaaso in ay sii socon doonto iyo in kale, sidoo kale waxaan la qiyaasi karin jawaabta Faroole maamulkiisu ka bixin doono cabashooyinka Ganacsatada.

Maalinta Birri ah ayaa lagu wadaa in  dhammaan Ganacsiga Boosaaso la xiro,

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

6 Responses

  1. Bosaso says:

    Wallaahi ashahaado ladagaalanka kiisa dibadda iyo kiisa gudaha way utashadeen dadka muslimka ah ee puntland waxan sugeynaa ciidamada ilaahey ee kusugan golis mardhow shayaaddiinta waa lagu takbiirsan doona ilaahey idikii

    • Amir says:

      Waxaan layaabay,Al shabaabka wax alla waxay arkaan waa iska sheeganayaan.hada dilkii maxamed garwayne ayaga kama dambayn,warar hoose oo la helayo ayaa oranaya in uu bilihii aan soo dhaafnay ku taagnaa oo nafta u keenay laba shariif.kadibna ayagaa u diyaariyay qaraxaan oo is dhaafiyay xildhibaankaan.markaasey Al shabaabkuna wax ma hubsadaane shaqo rag kale wataan daf iska soo leeyihiin anagaa dilnay…..hada faroole sida wararka lagu helayo doorashooyinka inuu ku guulatsto rag badan oo kale ayaa kasoo hor jeeda haday mission u diyaariyaan.Al shabaaab waakaas faroole anagaa dilnay.waa la yaabay.

  2. Asadyare says:

    اللهم أهلك الكفرة والمشركين والمرتدين
    آمين

  3. Abuu c/xaafid says:

    Walaahi wanu dulownay lakin away gesiyashi guumaysi diid ahaa maxaa inoo dhiman oo guumaysi ah allow unaxariso shekh maxamed iyo inta garabtagan gadh sina guul

  4. waayo'arag says:

    laahay ayaa mahad oo dhan iska leh naxariis iyo nabadgelyo nabi maxamed ha ahato korkiisa
    asc wrb walaalaha saalixiinta dhamaantiin. aduunyo ayaan ku yare mashquule maalmahane, munaafiqiinta malasii jafaye?

    maamulka asha-haado ladirir PUNTLAND, dhaqaalahii dadka shacabka ayey dhulka la galaayaane ma ujeedan? waxtigan aan joogno europe iyo mareekanba daqaalahoogii ayaa aad uliita markase faroole jiiq uga dhigeen alxamdulillah , markaas baadari faroole ‘fircoon” iyo koofiyadiisa sanabku ku sawiranyahay labadaba waaqtigoodii usoo dhowyahay insha allah.
    “shirkadahan privateka ee yahuudu leedahay iyo free market iyo haayad raashin dhacay keenta iyo imf iyo world bank” waa dagaal lanuguu wado anaka dowladdaha muslimka iyo afrikada kuffarta ee jaahiliintaba. Asha-haado ladir jabuuti waxa jira niman leh shirkado oo ku xiran dowladda asha-haado ladirka ah oo “xadhiglehyaal”ladhaho , dhiiga shacabka cabaan matal shaqo ayay ku geenayaan lakinse mushaarkada boqolkiiba sagaashan yagaa ka qaadanaya. Ganacsatada Reer puntland waa inay kadagaalamaan qorshaha tuukta qurbojoogta ah ay kudhacayaan hantidooda
    .Aniguna waan taageersanaan waligay xaqa intaan aduunkan joogo.

  5. reer bosaaso says:

    ninka maqaalkaan soo qoray waxaa kamuuqata cunsuriyad foolxun adeer reer bariga boosaaso hadhihine dheh reer bosaasood am reer bari hadaladiinu waa isku dhexyaacsanyihiin fadlan qabyaalada iyo cunsuriyada iska dhaafa iyo culumo caayida wax waxa aad meel ugaariladihiin

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS