الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
SAADAASHA SIYAASADEED ZENAWI DABADII!!!
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Mujaahid Sayid Maxamed Cabdulle Xassan baa isagoo calaacalaya aadna uga xumaaday rag badan oo Daraawiishtii ka mid ahaa Alle(swt), oofsaday, iyagoo cadawgii Alle wajahaya, kuna cataabay gabay aay mirihiisa ka mid ahaayeen:
”Raggii igu gadaannaa miyaa aakhira u guurey”.
Gabaygaa Sayid Maxamed maanta wuxuu haystaa cadowga Alle ee isu soo bahaystay inay dumiyaan nuurka Alle ee ka soo iftiimay meelo badan oo caalamka ah aayna ka mid tahay mandiqadda Bariga iyo Geeska Afrika. Waxaan shaki ku jirin xubno waaweyn oo cadowgu ku xisaabtamayey inay aakhiro u guureen amase aay naf xaraarug ahi ku jirto, sida Meles Zenawi oo ah Fircoonkii qarnigan ee mandiqadda aaynu ku nool nahay.
Anigu maahi Khabiir ama Caalim ku tukhasusay siyaasadda Bariga iyo Geeska Afrika, laakiin waxaan ka mid ahay dadka wax ka dhegadhegeeya waxna ka akhrista isbedellada siyaasadeed ee Mandiqadda. Waxaa asal ah oo aan basharku isku qilaafsaneyn markii wax la odarasayo ama la doonaayo in meel la saaro shey, waa in la raacaa ama la tixgeliyaa tiirar ama dhacdooyin (Pillars or Factors), lagu xaqiijinayo wixii la odarasayey, sidaa darteed anigoo inkireyn jiritaanka tiirarkaas ayaan rabaa in aan odoroso ama saadaaliyo siyaasadda mustaqbalka dhow ee dhulka Muslimiinta Daaru Al-Hijrateyn ee Nasaarada yar ee Xabashida ahi aay gumaysato.
Mujaahid Abshir Nuur Faarax(Bacadle) baa sideetanaadkii gabay u tiriyey nimanka Qabriyada ku dul meereysta, isagoo u hanjabaya tusayana in dowladdii Daquuqida ahayd ee Militariga hoos ka gelideedu aayan meel weyn gaareyn, laakiin maalin maalmaha ka mid uu gacanta ku dhigi doona towxiidkana ku soo duwi doona. Abshir wuxuu yiri:
Waa tay riddoobeen mar qura ru’ aasadiiniiye,
nin waliba halkii laga rabuu raalli geliyaaye,
kacaankaa idin raacaye wallee iguma raagteene,
markaan dibirta kugu soo ritaa layga kaa rogaye,
Waxaan caro la riimaba haddaan soo ruqaansadaye,
rag kuu helay Rabbina kuu cuskaday Ruushna waa tagaye,
ruq-ruqaansigiinaan maqliyo way rawaxayaane,
rixladdii waxbarashadu hadday soo rogaal celisay
raggaadkii i muday wey buskoodaye roobna way da’aye,
halkii raranku iga gubi jiraa rays ka soo duxaye,
Raan weynayaasha iyo bidcida diinta kala reebay,
rukumadda in loo siibi karo maba rumaysneyn, rajaase maanta ii muuqatiyo,
raaxo iyo kheyre, hadba raxan ha kaa leexsadeen waan sidaan rabaye.
Sidaad ka dhadhan sanaysaan gabayga Mujaahid Abshir Bacadle ayaa waxaad moodaa in aay muuqato rajo badan oo laga qabi karo in xilliggii Nasaarada yar ee Bariga Afrika aay gabagabo ku dhowdahay dhowr sababood darteed.
Wax qarsoon maaha in Nasaarada Bariga Afrika aay leedahay ehel diimeed oo caalami ah mar walbana la garab taagan hiil iyo hoo aan hagrasho lahayn, hadday ahaato mid siyaasadeed iyo caskariyadba, taasoo seeta dheereysa jiritaankooda, marar badan oo aay soo muuqatay in Muslimiinta Bariga Afrika aay ka gacan sareeyaan. Waxaa tusaale idin kugu filan Qarnigii 14-15aad markii Amiir Axmed Gurey kaadidooda kalax ku shubay ee uu jiif iyo joogba u diiday, waxaa markiiba gacan weyn u fidiyey dowladihii markaa Nasaarada ugu tunka weynaa oo aay Bortuqaal ka mid ahayd.
Qarnigan aan ku jirnana waa marag madoonto oo waxaa muuqatay markii dowladdii Dergiga ee Mingistu Haile Mariam madaxda ka ahaa dalka laga cayrshay, Nasaarada caalamaiga ahi waxay waqti iyo maal badanda ku bixisay inayan marnaba dumin Nasaarada yar ee Xabashidu hor boodayso. The Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) oo ahayd Jabhaddii uu hoggaaminayey Zenawi, laakiin aayan ka muuqan hannaan dowladeed, waxayse dhaxashay dowladdii Dergiga oo iyadu ahayd dowlad hannaan hoggaamineed leh, ka dib markii aay xiriirro wanaagsan la lahayd dowladihii caalamka markaa ka jirey oo aay ugu horeysay Midowgii Sofiyeeti oo isagu tartan siyaasadeed kula jirey dowladaha reer Galbeedka, muujiyeyna inuu gacan weyn oo dowladeed siiyo waddamaddii Jaalka la ahaa oo aay Itoobiya ka mid ahayd.
Nasiib darradda haysata jabhadda EPRDF ee hannaanka siyaasadeed ee dalka Itoobiya la wareegtay waxay tahay, in aayan weli dowlad ahayn ee aay jabhad tahay, qowmiyadaha kala duwan ee dalka ku noolna aay qay-qaybin iyo colaad fog oo ka daran tii loo qabay Amxaarada aay gaarsiisay, cadaadis badan oo aan qarsoonayna u gaysatay gaar ahaan dadka Muslimiiinta ah oo iyagu ah aqlabiyadda dalka.
Khuburada ku takhasustay cilmiga cayayaanka (insects), ee loo yaqaan Entomologists, ayaa waxay yiraahdaan Caracaaradu haddii lugaha badan oo aay leedahay mid ka mid ah la gooyo waxay soo ururisaa inta kale ee lugaheeda ah sidaa darteed EPRDF waxay hadda u muuqataa sida caracaarada oo kale oo haddii lugtii u weyneyd oo ah Zenawi qabri dulsaaran yahay maanta rajada laga qabi karaa inay dalka sii xukunto EPRDF waa mid aad u yar sababtuna waxaa weeye Zenawi wuxuu aad uga shaqeeyey inaan la helin wax macno leh oo isaga kursiga ku qabsan kara, raggii dhammaa ee halganka la soo galayna waa kala eryey waxna god buu u diray.
David H. Shinn oo ah saaxiib siyaasadeed iyo mid diimeed oo aad ugu dhow Itoobiya muddana Safiir ka ahaa ayaa isna ku hadaaqay hadal laga dhadhansan karo in EPRDF liiqliiqanayso, sababtoo ah wuxuu ku celceliyey in Zenawi nool yahay dalkana isagu weli ka taliyo, taasi waxay muujinaysaa in EPRDF aayan Zenawi ka dambaynayn, Soomaaliduna waxay tiraahdaa, ‘Reerkii Nin quri Yaasiinka ka yaqaan waa Yaasiimmo seegaan’.
Waxaa hadda muuqata in aay dalka si macnawiyan ah aay awoodiisii ula wareegeen qoyska tirade yar ee Zenawi ka dhashay (Tigrey), inkastoy markii horeba aay si siyaasiyan ah oo aan dadku wada fahmi karin ku haysteen, laakiin iminka waxay u xuubsiibatay noocma dhaxaltooyo boqortooyo ah, taasoo Itoobiya ka suushay todobaatanaadkii markii Boqor Haile Selaise koofiyaddii boqortooyo ay ka xayuubisey dowladdii Dergiga ee uu hoggaaminayey Mingistu. Taas oo calaamad u ah burbur iyo kala goo go’o soo degdega. Waxaa soo baxaysa in amniga dalku, weliba nawaaxiga Caasumaddu uu hadda u muuqdo mid gacanta ka baxay oo qowmiyaddaha qaarkood ee kulaala caasimaddu aay bilaabeen inay jid-gooyo ka samaystaan afafka hore ee Addis-Ababa laga soo galo iyagoo isu tirinaya in Caasimaddu tahay meel aay iyagu xaq u leeyihiin inay taladeeda gacanta ku dhigaan.
Nidaam duma oo aan dhaafsiisneyn ninka markaa horjoogaha u ah waxaa tusaale idiin kugu filan kii Soomaaliya, oo markii hannaankii dowladnimadu ku soo harey gacanta koox qowlaysato ah wixii ka dhashay waa la’ogaa middaan hadda Zenawi iyo TPRDF ka taliyaana wuxuu qaadayaa dhabbihii aay Soomaalidu qaaday maadaama aan wax hannaan dowladeed ahi meesha ool.
Nabsigu waa ma raage oo maalinba qoluu saaran yahay haddii shalay dadka Muslimiinta ah ee Soomaalida ah tani qabsatay maantana inay Nasaaradda Bariga Afrika qabsato yaan la qariibsan waana suno iska caadi ah in aay maalinba qolo ku jiifto amase aay la deristo dhibaatadu. Ayaandarradda haysata TPRDF waxaa ka mid ah ma jirto qowmiyad ku nool dhulka aay maamusho oo bixinaysa maadaama aay galeen jariimo iyo tacadiyo aad u waaweyn, waana nidaam xoog dadka ku hayey haddana nooc iska jabhado guurguura oo hadba meeshii aay dareen ka qabaan weerara dadna ku laaya, si aan loogu soo degdegin maamul xumadooda.
Dhammaan dhacdooyinkaa aan kor ku xusay waa kuwo calaamad u ah inayan sii jiri doonin waxa loogu yeero Itoobiya oo awalba ahayd nidaam is qabsi iyo dhul boob ku unkamay waana taariikh dheer qaabka nidaamka Itoobiya laysugu geeyey ee uu ku dhismay, oo aanan hadda diyaar u ahayn inaan mowduucaygaan ku lafa guro amase aan kaga sheekeeyo. Waxaana dhici karta odoroskaa siyaasadeed ee aan tilmaamay in xaajadu ku soo idlaato iyadoo aan ku adkaynayo malahayga waxa hadda muuqda ee isbedellada siyaasadeed oo meelo badan oo dunida ka mid ah ka socda.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)
Somalimidnimo.com













































suldaanka qalinkiisa waa lahubaa tuug iyo jaahil munaafaq iyo dabadhilif wey kanaxaan ee hanaxaan calooshana hawareegto khaainiinta
haddii ciidamada Ethopia ka baxaan dalka maxaa xiggi doona.?
masugi kari karayo intaan ka arki doono calanka towxiidka oo meelwalba oo somaliya ah ka babanaya.
Hadi ciidamada gaaladu baxaan, waxa ku sugeysa; la dagaalama illaa intii fitno laga weynayo, macnaheedu waxa ku sugeysa inaad calanka un-ka ku bedesho kan rasuulka scw,,, hadaad qowmi ama qabiili tahay, hadaba meel iska fariiso. Markaana aad burburisa asnaamta casrigan.
Maashaa,Allaah kamadaale dareenka dadkiisa hima caaliyah ayaad heysataaye,Alle ku shugri asaagaa ma oga xiliguu suubanaha dhintay iyo waxa uu noola yimide! Jazaakallaahu kheyran wakatharallaahu amthaalaka yaa akhil xabiib, nacam sidaas ayaa inoo ballan ah bi,idnillaah, illahay waxaan weydiisaneynaa inuu nagu dilo dariiqa xaqa anagoo dhinacna uga leexan aafada reer aduunyo doortana dhinac nooga leexiyo aamin, walaalka qormadiisana,Allaah miisaanka xasanaadka ha u saaro aamin.