
الحمد الله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد
Ibnu Jowzi (RC) wuxuu Risaaladiisa Al-Adkiyaa ku wariyaa in sheekh la oran jiray Bilaal binu Abii Burdata binu Abii Muusaa Al-Ashcari siiyey lacag dhan 10 kun oo diinaar nin xabsi u joogay Xajaaj binu Yuusuf si uu uga sii daayo Xabsiga! Qof kastoo xabsiga ku dhinta waa loo sheegi jiray Xajaaj markaasuu oran jiray: u geeya ciddiisii. Sheekhu wuxuu ninkii xabsiga joogay ku yiri: u sheega inaan dhintay Xajaaj dabadeedna markuu dhaho u celiya ahalkiisa ayaan u cararayaa meel uusan Xajaaj iga maqlin! Lacagtaasna qaado! Sidee bay yeeleen oo Xajaaj waxaa lagu yiri: sheekh Bilaal waa dhintay? Meeshay ka filayeen inuu dhaho: siiya meydkiisa ciddiisa buu yiri: Sheekh Bilaal oo kale waa inaan arko meydkiisa ee ii keena!
Ninkii xabsiga joogay inta ku soo noqday Bilaal buu yiri: waa inaan ceego kugu dilaa oo adoo meyd ah Xajaaj kuu geeyo! Ma jirto xal kale oo furan? Bilaal wuxuu ka codsaday inuusan saas yeelin laakiin ma jirin wax kale oo la sameeyo. Inta ceego lagu dilay baa meydkiisa loo geeyey Xajaaj dabadeedna Xajaaj yiri: u geeya ehelkiisa! Waa tan qisada oo Carabi ah:
روي أن بلال بن أبي بردة بن أبي موسى الأشعري كان في حبس الحجاج , وكان يعذبه, وكان كل من مات من الحبس رفع خبره الى الحجاج, فيأمر باخراجه وتسليمه الى أهله , فقال بلال للسجان : خذ مني عشرة آلاف درهم وأخرج اسمي الى الحجاج في الموتى , فاذا أمرك بتسليمي الى أهلي هربت في الأرض , فلم يعرف الحجاج خبري , وان شئت أن تهرب معي فافعل وعليّ غناك أبدا .
فأخذ السجان المال ورفع اسمه في الموتى . فقال الحجاج : مثل هذا لا يجوز أن يخرج الى أهله حتى أراه , هاته . فعاد الى بلال فقال : اعهد .قال : وما الخبر؟ قال: ان الحجاج قال كيت وكيت , فان لم أحضرك اليه ميتا قتلني , وعلم أني أردت الحيلة عليه, ولا بد أن أقتلك خنقا . فبكى بلال وسأله أن لا يفعل , فلم يكن الى ذلك طريق . فأوصى وصلّى , فأخذه السجان وخنقه , وأخرجه الى الحجاج فلما رآه ميتا قال : سلّمه الى أهله . فأخذوه , وقد اشترى الموت لنفسه بعشرة آلاف درهم , ورجعت الحيلة عليه
Haddayba jirto wadaaddo ay daacad ka tahay oo u qaba in xeeladeysi loo xeeladeyso dastuurka Mahiga keeni doonno xal waa kuwa aan waxba la socon! Ma fileynno inaysan Islaamka iyo Muslimiinta u soo jiidayn waxaan dhib ka ahayn. Sheekh Bilaalba isagoo is leh naftaada badbaadi buu ku dhacay khatartaas! Ma fiican tahay in wadaaddada u ol’oleynaya in dastuur la saxiixo ka fiirsadaan hadda?
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com










































Kuwanu mayti wee yee sidii noole haw maagin
Marashaaba laga dhiibayaa mawla saaraaye
Mariinbaaba loofilin hadaan mawdku soo dagine
Macnalaawayaashaan marhore seegay marinkiiba
Maxaad uga calaacali ayaba ways maqiiqeene
Mawjadaaba sidatoo baryahan qaaday maanyadiye
Macaash bay filaayaan inuu gaal magawsiine
Madax furasho waa hore dhacdaa moosinmkeed yimide
Waa maqane joogiyo waxaan meelo dheer jirine
Sidii wanan malooliya ayey barida meershaane
Wax kastoo masiixiya udana kama ay maagtaane
Muslimkaba xogood looga yimid duul muquunaahe
Faasiqaan markhaatigi ansixin yey u muuqdaane
Mar fatway kufriga siinayaan goysa madaxeene
Shubah bay markeenaan mujtamac nagu nacsiiyaane
Iftiradu minhaaj bay u tahay madaxya wayntoode
Meeqaanki culumiyo malahan marax ikhyaareede
Maryo beena waa ay xidhaan ama maqaarsaare
Mawlacay xertii uga furteen maantay hoos galaye
Kibakaa madiidaystayoo siin mushaaradiye
Muslim waxa ay kufrigu laynayaan maaliniyo laylba
Waxa ay masaajiida gubi macatabley gaalo
Mawlahay kitaabkiis waxay xaarka mariyaanba
Mudaciyo miyaad qaylo iyo maqshay doodooda
Maalintaa kaniisada gubeen malaha reer Kiinya
Waatuu macaac yiri ninkaad Moaxamadayseene
Waatuu majaafada kufriday diiday mawdkoode
Waatuu macfaay uu kayiri muumin dhiigiise
Muraadkoodu waa inan xabsiga maalmo joognaaye
Nama mariyo gaalkuba rasaas sida masaalkoode
Muslimkuu duraayaa kufrina waw markhaatiyaye
Oo waw mashxaradaa siduu maalku iibsadaye
Ictisaam miciinsade kufriga oo mid wee yaane
Maantana dastuur gaalinmay marax ku sheegeene
Intuu mari shabaab iyo lahaa maclimkii diinta
Amuu maagayoo sheekh Xassaan muran lafuulaaba
Nin walaalki miinee is yiri cidu mamuunayne
Mahlakiyo xumaan kama fogoo meel xun wuu tagine
Saw maw jaday fuulayeen moolka lama dhaafin
M.sha allah wa qiso ku cibro qadasho leh ictisamaw hadad wax fahmaydan saraxa&siriya wax wala idinkugu shegay ee kaso baxa safka cadawga
Odayasha hada is dhahaya laguma jeedo ee dastuurkaga iska qaado waa lagugu maqanyahay marbaad gacnta kuso dhici insha allh ammanki an sugnay ayad dhahdeen aaway amniga ilaa uu cadowga laga saro muqdisho nabad laaaa.
شيخ العلامة والمجاهد .وا لداعي شيخ حسان أبو سلمان لأنك فرقت الدين بين الحق والباطل .
sh. xasanow umal hala doodin imam shafici wuxu leyahay
قالو سكت وقد خوصمت قلت لهم.
إن الجواب لباب الشر مفتاح
والصمت عن جاهل أو أحمق شرفو.
وفيه أيضا لصون العرض صلاحو
Maya wadadado wa saxanyihin kheyr alaha siiyo ayaga jaga maraban kaliya waxey raban in somalida silica kabaxdo waa aan tahriib kujirnay waxan xasusta gabar somaliyed oo ayado calacali aan katagnay kadibna dimatay sidan sidanto allaha keno shababna alaha dameyo ayaga iyo galada eywadanka kenen galada sharifmakenin shabab bakenay
To. Xasan mahadi war miyadan lahayn qadiyad ad wax kukala saarto wa war wax yahaw mujrimka ah meyay caqligaga salimka (dad cunadii iyo wad dabo ardaydaan galadane’ war mad shabab racdan
Ku xasan mahdi
layaab malaha in aad sidaas u hadasha oo waxaad u dhimaneysay waa aduunya saad adigaba sheegta marka cid kasta oo aduunya doon ah waa kula saxan tahay maxaa yeelay waxaad wax kuwada aragtaan hal il oo ah in la iska raadsada aduunya sii lagu hali karo xalaal iyo xaaraam oo hal haaskiina waa (ninkii na raranaa ha na rartee anaga rubac iyo rooti yaan rabnaa)
marka wax dhib ah idiinkuma haayso in la gaalooba iyo in la muslima waa isku kiin mid kuwa gaalada u shaqeeya ee psta ah waxaay dhuunta surtaa saliib waxayna iskugu yeeraa baadari qaarkoodna waxaay ku dhaarteen in aay c unijireen doofaar markii towbarka u socday kuwaasi marka damiir maka sugeey qaarkood waxaa hortooda lagu foolaa hooyooyinkood ileen waxaa ka dhintay damiirka hadaan idiin sheego qisa dhab ah oo arki doona qofkii ka soo taga shabaabul mujaahidin waxaay tahay waxaa loo geyn doonaa habar la dhaho aamino oo ka timid dibida oo qabo maxamed bakistaa oo dagan buula xoobey waxaay kuugu sameyn doontaa iyada oow madaxa u qaawana yahay iyo dhuunta in aay ku qabsata garabka hadii aad moojisa xishoodna aayku dhahda waa xagjira ee xara hadii aad naaska ka taabatana kuugu dhihi doonta waa nin fiican waa waxa jira moqdisho iyo meelkasto oo aay gaalo qabsato marka in la iska ilaaliya jirka naagaha ma wax u gaar ahaa shabaab?? Waxaan aan soo qoray waxaan arkay waa waxii ugu yaraay
allaahu akbar