
الحمد الله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد
Waxaan is xasuusineynnaa Xaddiiska soo socda. Mar nini su’aal ku saabsan Dhaxalka weydiiyey Abuu Muusaa Al-Ashcari (RC) dadeedna Abu Muusaa (RC) wuxuu dhaxalkii ka reebay dad xaq ku lahaa. Waxaa la weydiiyey haddii meyd ka dhinto gabar uu dhalay, walaashiis/walaasheed, iyo gabar wiilkiisu/wiilkeedu dhalay see loo qeybsanayaa dhaxalka? Abuu Muusaa (RC) wuxuu yiri: gabadhuna bar bey leedahay, walaashuna bar! Wuxuu qadiyey gabdhii meydka wiilkiisu dhalay. Abu Muusaa (RC) wuxuu yiri: u taga C/Laahi binu Mascuud (RC) waa igu raaci doonaaye! Markii C/Laahi binu Mascuud (RC) loo sheegay arrintii buu yiri: haddaan ku raaco waan lunsanahay; waxaana ka mid noqonayaa kuwa aan hanuunsaneyn! Wuxuu yiri: waxaan xukumayaa xukunkii Nabiga (SCW) xukumay. Wuxuu yiri: gabadhu waxay leedahay bar; gabadha wiilkiisu dhalayna lix meelood meel; walaashuna inta soo harta (seddex meelood meel)!
Haddii meydku ka tagi lahaa labo gabdhood waxay qaadan lahaayeen seddex meelo labo meel dhaxalka! Marka inta ka dhimaneyd labo meelood seddex meeloodkii oo ah 1/6 buu siiyey gabadha wiilka meydku dhalay. Seddex meeloodka meesha soo hartayna waxaa qaadatay walaashii. Xaddiisku waa saxiix.
سئل أبو موسى عن ابنة وابنة ابن وأخت، فقال: للابنة النصف، وللأخت النصف، وأت ابن مسعود فسيتابعني، فسئل ابن مسعود، وأخبر بقول أبي موسى فقال: لقد ضللت إذاً وما أنا من المهتدين، أقضي فيها بما قضى النبي صلى الله عليه وسلم: للابنة النصف، ولابنة الابن السدس تكملة الثلثين، وما بقي فللأخت، فأتينا أبا موسى فأخبرناه بقول ابن مسعود، فقال: لا تسألوني ما دام هذا الحبر فيكم.
Waxyaalaha laga qaadanayo arrintaas!
1- Weynanka labada saxaabi (RC)
2- In Mujtahid kasta uusan sawaabka mas’alo heleyn.
3- Ibnu Mascuud (RC) inuu maqashiiyey in hadduu saxaabiga Abu Muusa (RC) ku raaco mas’aladaas khaldamayo si loo arko khaladka dhaxay? Ibnu Mascuud (RC) waa ogyahay in Abu Muusa Mujtahid ahaa; saasooy tahay ma oran: saxaabigu waa ijtihaaday! Ajar buu helayaa! Waa sax qofka Mujtahidka ah wuxuu ajar ka helayaa dadaalkiisa laakiin Ibnu Mascuud wuxuu muhiimadda siiyey in khaladka la saxo! Diinta Ilaahay qof kasta waa ka sarreysaa!
4- Mujtahidka saxda ahi ma diido Nasuus loo koryeelay Nabiga (SCW). Ibnu Mascuud Xaddiiska waa koryeelay! Halkaas bay galeysaa qaacidadda ah: qiyaaska ka hor imaanayaa Nasuusta inuu faasid yahay.
5- Abuu Muusaa (RC) xumaan uma qaadin walaalkiis Ibnu Mascuud, mana qajilin ee wuxuu yiri: maxaad wax ii weydiineysaan aniga hadduuba idin dhex joogo caalimkaas!
6- Maanta haddii la damco in wadaad la saxo waxay u dhowdahay in taageerayaashiisu dhahaan maxaa sheekha meel cidla’ ah loogu sixi waayey! Maxaa dadka dhexdiisa loogu saxayaa? Waa falsafad loo sameystay in xukaamta daalimiinta ah lagu difaaco! Haddii fatwadii hore een sawaabka ahayn lagu hor sheegay dad dhexdi; soow caqligu ma keenayo in dadka hortiisa Xaqa laga caddeeyo!
7-Allaha u naxariisto Imaamu Maalik, kama qajili jirin in masaa’isha uusan garaneyn dhaho ma garanayo! Waxaa dhici kartay in su’aalo badan oo la weydiiyo; ka jawaabo in yar! Saasooy tahay wax ceeb ah umuu arkeyn inuu dhaho qaarkood ma garanayo! Maantana waxaad mooddaa inaysan wadaaddadu khaldamin! Wadaadka ama saaxiibadaas baa dhaha: wuu Ijtihaaday! Haddii Ijtihaad aan sawaab ahayn la iskaga harayo; waxaa laga aamusi lahaa kaas saxaabiga Abuu Muusaa Al-Ashcari!
Hadday dhaqan geli lahayd fatwadii Abu Muusa (RC) waxaa qadi lahayd gabadha meydkaas wiilkiisu dhalay! Laakiin ka warrama wadaaddada noo qurxinaya in la saxiixo dastuur ay culumadu isku raacday gaalnimadiisa! Xitaa haddii qofka keensanaya aamisan yahay in Islaamku waxoo dhan ka fiican yahay! Isku-raacidda kama wado Ijmaac ee waxaan ka wadaa inaan culumada Salafku arrintaas u kala harin marka laga reebo in noqotay Murji’ada Casriga!
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com










































Culumada xaqa walagu raaca palse badil mubina o caamo garatay ah lagu raaci maayo nin gabya aya lahaa (nin ku dilay waxa kaga siidaran kan kugu daawado’ waxa kaga si xun kan diinta doolar dhaafsada nayiri) ictisamaw khayrka inad wadi jirten o baal dahab ah ad ka gashen la idinma diidana balse manta baal madaw ayad ka gashen hadaakumu allah
SIWANAAGSAN UMANA NAQMIJIRIN SIDA ICTISAAMKU HADA UDHAQMAAN XAG ISLAANIMO XAG DIINEED IYO XAG BINIAADNIMO.
Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa culumo ama dad isu uur fayow oo xumaan aan isku tuhmaynin aananna is inkirsanayn yacnii mid walba kan kale wanaagiisa u qirsan yahay. Mar haddaan laysku uur fayoobeyn, xummaan walbana laysku tuhmayo, kani waa JAAJUUS! Kaasi waa KHAA’IN! Sheekh hebel NIFAAQ baa googooyey! Kuwaan waxooda JIHAAD maahee waa FITNO! Waa dhalinyaro JUHALO ah! Culumada xaraka hebla adduun jacayl baa jihaadka ka reebay, Haddii waxaasoo afxuma ah iyo in ka badanoo aflagaaddo ah laysku DHIIJIYO! Mid walbana kan kale wanaagiisu uusan qirsanayn. Sidoo loo rajayn karaa in lays fahmo. Aniga waxaan qabaa waxyaabaha nakala fogeynaya inuu kow ka yahay hadallada aan loo meel dayin ee laysku tuurtuurayo. War ma lihi yaan khalad la sixin , yaan wax la toosin, yaan la jihaadin ee waxaan leeyahay “WAQUULUU QAWLAN SADIIDAN” “UDCU ILAA SABIILI RABBIKA BILXIKMATI…”
Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa culumo ama dad isu uur fayow oo xumaan aan isku tuhmaynin aananna is inkirsanayn yacnii mid walba kan kale wanaagiisa u qirsan yahay. Mar haddaan laysku uur fayoobeyn, xummaan walbana laysku tuhmayo, kani waa JAAJUUS! Kaasi waa KHAA’IN! Sheekh hebel NIFAAQ baa googooyey! Kuwaan waxooda JIHAAD maahee waa FITNO! Waa dhalinyaro JUHALO ah! Culumada xaraka hebla adduun jacayl baa jihaadka ka reebay, Haddii waxaasoo afxuma ah iyo in ka badanoo aflagaaddo ah laysku DHIIJIYO! Mid walbana kan kale wanaagiisu uusan qirsanayn. Sidoo loo rajayn karaa in lays fahmo. Aniga waxaan qabaa waxyaabaha nakala fogeynaya inay kow ka yahiin hadallada aan loo meel dayin ee laysku tuurtuurayo. War ma lihi yaan khalad la sixin , yaan wax la toosin, yaan la jihaadin ee waxaan leeyahay “WAQUULUU QAWLAN SADIIDAN” “UDCU ILAA SABIILI RABBIKA BILXIKMATI…”
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Ilaahey haka raali noqdo dhamaan asxaabta nabi Moxammad(صلي الله عليه وسلم).
Waxey ila tahy in isbar-bardhiga asxaabta nabiga iyo culimada maanta jirta uu dulmi ku yahay labada dhinacba , sidaas darteed khilaafka maanta jiraa aad ayuu kaga duwan yahay khilaafyadii u dhaxeeyey asxaabta nabiga(صلي الله عليه وسلم).
Ma ahan inaan fududeysano is gaaleynta ama diin iska saarida aan ka dhiganey wax caadi ah.
Quraanka kareemka iyo Sunnada Nabi Moxammad wey kasoo horjeedaan khilaafaad badn oo aan maalmahan isku heysano.
ugu danbeyntii waxaan dhihi lahaa ilaahey xaqa ha ina tuso kuwa raacana ha inaga dhigo.