Taliye Ku Xigeenkii Labaad Ciidan Booliis Oo Caawey Garoowe Lagu Dilay Col C/laahi Saalax Ladane Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Laga Shakiyey


GAROOWE:-
Waxaa goor dhow lagu dilay Magaalada Garoowe taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska maamulka Asha-haado ladirirkaa ee Puntland, Col, C/laahi Saalax Ladane. Taliyahaan ayaa ahaa mid dhib badan u gaystay, Muslimiinta Baraarugga Islaamku gaaray.

Waxaa taliyahaan lagu xasuustaa, Dad Soomaaliya oo uu ka qab qabtay Magaalada Gaalkacyo, kadib mar halkaas ciidamada Asha-haada ladirirku ay xasuuq ka gaysteen Xaafadda Garsoor oo kamida Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale taliyahaan ayaa Garoowe ku soo bandhigay dhawaan, Soomaali laga soo qab qabtay, Boosaaso, gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana maxaabiistaas qaar kamida lagu toogtay Magaalada Garoowe. Ma jirto cid sheegatay dilka Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Col C/laahi Saalax Ladane oo goordhow lagu toogtay Magaalada Garoowe.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha ki xigeenka maamulka  Asha-haada ladirirkaa ee Puntland uu ka qaaday xilka, balse wareegtadii looga qaaday looma soo gudbin Saxaafadda, taliyahaan ayaa la sheegay in uu  kahor yimid qorshe Faroole, Ina Ilay iyo C/samad Cali Shire ay wateen oo ahaa dagaal in laga abuuro, Gobalada, Cayn Sool iyo Sanaag.

Maal maha soo socda Faroole oo Sharif iyo Siilaanyo ku xumaynaya ayaa laga yaabaa in shacabka Khaatuma iyo Somaliland ay iska dilaan boqolaal Wiil oo Soomaaliya. Dhinaca kale Itoobiya ayaa Hub kusoo daabulaysa Gobalada Waqooyi Bari iyo kuwa Waqooyi, Hay’ado badan oo kamida UN ayaa wada qorshe ay dagaalo qabiilada u dhaxeeya ay oga abuuri lahaayeen Somaliland iyo Puntland.

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

 

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS