Timoweyntii Garoowe & Xeefoowga Galgaduud oo ku Galaayuusaya: Xarbina nala Geli; Xabagtiina Aalu-sheekh & Ictisaam baa Goostay!

Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabagelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Waagii C/Laahi Yuusuf Puntland joogay waxaa wadaaddo u ahaa Timoweyn iyo Suufiyaal! Iyaguu geyn jiray meelaha la isagu yimaado, idaacadaha uga hadli jiray iyo weliba maxkamado-ku-sheegga!

Markii Midowga Maxkamaduhu soo baxeen oo tageen Bandiiradley baa Cadde Muuse yiri: wadaaddada Timoweyntu kama hor tagi karaan nimanka nagu soo socdee seen yeelnnaa? Waxaa loo yeertay Ictisaam oo saxaafadda ka sheegay in Cadde Muuse ku dhaqmayo Shareecada Islaamka! Xaqiiqdii, waxay Ictisaamku Cadde Muuse ku dhaheen: Shariif sheekh Axmed iyo sheekh Xasan Daahir Aweys waxay ku socdaan qaab qabiil iyagoo diin ku gabbanaya marka waxaan kuu sheegnno yeel oo saxaafadda ka dheh: waxaan ku dhaqmayaa Shareecada Islaamka, saan shaar diimeed ula gashanno; ugana difaacanno geyigeenna! Marka wadaaddada Ictisaam waxaas falkinayeen waxaa Gaalkacyo  joogay ciidan Tigree ah oo diin-la-dagaal meesha u tagay!

Laga bilaabo maalintaas waa laga tagay Timoweynta! Timoweyntu ma allifi karin dhagartii Ictisaamka oo  kale! Markuu Faroole qabsaday Puntland halkii buu ka sii miisay la-shaqeynta Ictisaam! Waxaan filaynnaa inaan qofnna nagu diidi doonin arrintaas! Yaa ah xerta la shaqeysa maamulka Puntland? Ma Ictisaam mise Timoweyn? Faroole baa ka jawaabaya oo adduunka tusaya cidda la shaqeysa! Fiiri sawirka hoose; korna ku dhegennaa!

 

Xeefoow iyo Galgaduud

Xeefoow ka hor, Matabaan Garoorre, Guriceel, iyo Dhuusamareeb waxay ahaayeen geyi xasilloon ooy ku mucaamiloonayeen shacabka Soomaaliyeed! Waxaas  halkaas ka jiray Baraarug Islaam ah ooy qof kasta u furneyd dego. Waxaa ka jiray masaajidyo badan oo Dacwada Islaamka laga fadiyo. Malcaamado Qur’aan iyo Iskuullo Islaam oo lahaa waxbarasho tayo leh. Isgaarsiin xor ah. Waxaa ka socday ganacsi ilaa xad heer sarreeya. Dadkuna waa is dhex mari jiray.

Nasiib-darro markii Tigreegu waddanka soo galeen baa Xeefoow iyo siyaasiyiin la mid ahaa istuseen inay siyaasadda ka soo galaan inuu dagaal ka huriyo geyiguu ka soo jeeday! Isla markiiba waxay soo aruursheen wiilal iska baranayey dariiqada Suufiyadda! Waxaa loogu sheekeeyey inay heystaan fursad ay ku tirtiraan nimanka “Ikhwaanul Muslimiinka” ah ee bidcada la yimid! Soomaalida badankeedu qofkay Salafi u arkaanba waxay ugu yeeri jireen Ikhwaanul Muslimiin! Waxay wiilasha u sheegeen in Maraykanka iyo Tigreegu  taageerayaan dabadeedna ay maalmo ama bilo ku tirtiri doonaan Salafiyiinta Soomaaliyeed ayna goobta u soo haridoonaan Qabuurocaabudku!

Isaga sheekeyn meynno boqollaalkii wiil ee labadaba dhinacba ka dhintay iyo boqollaal kale oo ku dhaawacmay! Xeefoow wuxuu dagaalka soo gashay qabiillo sooc ah! Wuxuu dagaalka ka furay geyiguu ka soo jeedo! Arrintii waxay ku dambeysay: shimbiri maalin bay dab qaadday; waxayna dabkii ku gubtay buulkeedii!

Fiicnaan lahaydaa haddii dagaalku aannu dhaafsiisneyn mid ku dhisan mabda’. Si aan qarsoodi ahayn baa Xeefoow u lahaa: waxaan qabsanayaa Ceelbuur isagoo rabay inuuu handado qabiilkiisa qaar ka mid ah sida Duduble iyo Murusade! Heer wuxuu gaaray uu Tigreega u soo horkaco Ceelbuur isagoo ku faanaya inuu qabilladaas tirtirayo maaddaama ay diideen inay isaga iyo Tigreega raacaan!

Markii siyaasiyiin ay ku jiraan Axmed C/Salaam iyo Seeraar arkeen in Xeefoow geyigaas ka dhigay gabaahiira bay is dhaheen badbaadiya! Waqtigay lahaayeen wax badbaadiya waa mar Tigreegu qabsadeen Ceelbuur oo qabiillooyin dhan ka qaxeen geyigaas! Qabiillada Ceelbuur dega ma aha dad jecel Tigreega! Wixii socon karay waa ka baxeen magaalada! Ilaahay wuxuu qaddaray in nimankii lahaa maamul hoos jooga Tigreega baan ka dhiseynnaa Galgaduud in la qarxiyey ooy halkaas ku dhintaan xildhibaanno uu ku jiray Seeraar halka Axmed C/Salaam soo gaaray dhaawac xun! Ilaahay amarkii wixii intaas oo sano Axmed C/Salaam hurinayey wuxuu ka jiifaa sariir! Waxaa ku dhacay shoog iyo sas! Waxaa dhici karta inuuba iska daayo aadidda Soomaaliya!

Xeefoow Jufadiisa haba Halaagee Jego ma Helay?

Markii Xeefoow geyigaas nabadda ahaa dab geshay, kumaannaan qofna lagu dilay dagaalladaas, qabiilkiisana isku diray oo uu isla ahaa siyaasadda Soomaaliya baad wax ka soo galaysaa baa markii laga hadlayey shirarkii lagu sheegay Khariidadda Dariiqa waxaa la arkay Xeefoow oo bannaanka ka jooga! Isaga laftiisu waa arkay! Maalintaas laga soo bilaabo waxaa ka soo haray inuu dhaho: raallin kama nihin Khariidada dariiqa! Ma tageynno Shirka Addis Ababa! Ma tageynno Turki! Ma saxiixeynno Dastuurka! Yaa dheg jalaq u siinaya ileyn waa xanjo macaankii laga dhammeystee!

Shariif sheekh Axmed oo Qabuurogaleenkii Jeebka Gashaday iyo Ictisaam iyo Aalu-sheekh Gacanta ku Dhigay Siyaasadda!

Markii Xeefoow ku hayey Ceelbuur baan qabsanayaa oo waxaan gumeysanayaa Duduble iyo Murusade; Shariif sheekh Axmed wuxuu jeebka gashay hogaanka Suufiyada! Wuxuu Addis Ababa geeyey ina Macallin Nuur isagoo ka dhigay ninka lixaad ee wax ka saxiixaya Khariidadda Dariiqa! Ina Macallin Nuur Soomaalina iskuma dirin, qabiilkiisana dagaal ma gelin. Dhowr beri buu isku sawiray Mowlicii aabbihii isagoo Amisom la socda! Waxaa la rabay in dadka la baro isagoo wasiir u ah Shariif! Ileyn Shariif sheekh Axmed waa jilaa caan ahe markii dadkii barteen ina Macallin Nuur buu fuliyey qorshuhuu rabay!

Shaki ma leh in Xeefoow isku keenay ciidan ka badan kan Caalin heysto! Caalin iyo Galmudug ma gelin dagaal gooni ah marka laga reebo wixii si qabiil u dhaca ooysan iyagu shuqul ku lahayn! Taageerada afka baarkiisa ahayd ee Galmudug u heysay Xeefoow waxay ahayd waxay rabeen inuu ka hor joogo Shabaabka! Saasooy tahay Caalin oo ka ciidan yaraa Xeefoow baa ku jira lixda nin! Waa la wada arkaa siyaasiyadda u dhaxeysa labada kooxood! Caalim kuma weynin boqollaal wiil dagaal uu la galay Shabaab!

Fiiri sawirka hoose iyadoo ina Macallin Nuur dhex fadhiyo shirkii Addis Ababa lagu qabtay ee ku saabsannaa Khariidadda Dariiaqa! Meeyey Xeefoow?

Waxaa intaas dheer in Tarsan oo Islaax ahaa la wareegay Xamar. Ugu dambeyntii markii Turkiga la aadayay waxaa hor boodayey Janaqoow, Bashiir Salaad, Daahir Geelle, iyo wadaaddo Salaf sheegta! Waxa hadda u muxaadareeya odayaasha soo xulaya ciddii ansixin lahayd dastuurka waa wadaaddo Salafiyiin sheegnaya!

Hadda waxaa Xamar ku qulqulaya Ictisaam iyo Aala-sheekh iskaga kala yimid magaalooyinka Soomaaliyeed iyo weliba Qurbaha! Waxaa laga yaabaa inay qaarkood u tartamaan jagada madaxweynanimada! Waxaa kaloo la sheegayaa in Aqalka Sare u badnaan doonno wadaaddo sheegta Salafiyiin!

Waxaa la sheegayaa in markii wiilashii Xeefoow soo khalday arkeen dagaalka dhererkiisa iyo wixii la sheegay oo meesha ka baxay inay kala yaaceen! Saraakiil qabuurocaabud ah oo diidday inay dagaalka sii wadaan waxaa lagu xirxiray Guriceel! Maxaa Xeefoow ka dheefay dagaalkaas? Maxaase qabiilka Xeefoow ka dhashay gacanta u qaban waayeen? Miyeysan ogayn in arrintu saas ku socoto?

Somalimidnimo.com

11 Responses

  1. xeefow wuxuu yahay malehen dowladaan waxaa markii horaba soodhistay shariif xasaan -shariif xasaan kan meesha fadhiya ee sufiga ah waxaa wato shariif xasaan xeefow waxaa waday oo kushaqeysanayay cabdi shukri oo ciil uqabay-beesha-duduble-marki danahuu lahaa laga gaaray xeefow walaga dhaqaajiyay awalba wuxuu ahaa moryaan xeefow iyo qasiis asaga iyo qasiis cabdi shukri-waa xaasaskii-meles zanaawi mushrikiinta qabuuro-caabudga-bilaa imaanka ah nacalat akutaal kaajada kaajada dhashay ee istiraashada meles zanaawi-uu-kabahakutirtirto

  2. Abdi-xayi says:

    Cadowka koowaad ee muslimiinta bariga africa waa kuwa culimaaa’ usuuga ah ee ictisaamka sheegta cadowkooda labaadna waa ayaga cadowooga sadaxaadna waa kufaarta , sabab ictisaam miyaysan ku dad ahayn maxay kufaarta ugu soo daranyihiin waayo gaalka gaalnimadiisu way cadahay cadaawadiisna banaanka ayay taalaa lkn culimaaa’ usuuga xumaan ayuu dadka u tilmaamaan xaqana way buriyaan oo way qariyaan ceybna way u yeelaan caqiidadana way ka soo horjeedsadaan dhawaaqiidana way difaacaan oo way u gargaaraan mujaahidiinta iyo culimada jihaadka wadana waa dacniyaan oo waa ay duraan oo way aflagaadeyaan taasna waa mida ka dhigtay cadowgooda koowaad iyo kooda labaad ‏ صدق المصطفى حين قال :” اخشى مااخشاه على امتي منافق عليم اللسان ‏يجادل بالقران”‏‎ culimadeena saxda ah waa kuwa hada mujaahidiinta ah iyo kuwa shahiiday iyo kuwa dhaawacan iyo maxbuusiinta ah kuwaas ayaa ah culimada islaamka ee saxda ah kuwaas ayaa ah fuquhada islaamka ee saxda ah

  3. Salman says:

    K.k.k.k.j.k maqal ka mcn wali ma arag

  4. Maxamad says:

    Iniga warkina yarumeysan? Suxufi washay warkii u eka wrkaga k k k bbc habardugag sidey bbc ushabahdo ayu warkiina ushabaha warbahinta kale !

  5. muslim girl says:

    Calaamadaha muminka waxaa lagu yaqaan in uusan waxcaayin waxna durin ee bal iska fiirsha calaamdaas cajiibka ah.

    • To Muslim gril
      walaashay waan ku salaamay ma ii ladan tahay? Gabaryahay wixii aad aqoon jirtay meeshaan kama socdaan. dagaal joogta ah oo muslimiin ku jihaysan baa ka socda afkii baa juuqda gabay Allaahumma sallim sallim

  6. Goldogob says:

    nadwo haatan kasocoto goldogob ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa si hoos ah aan toos ahayn loogu durayay mujaahidiinta. culimada kamuxaadireynaya nadwadaas ma ictisaam baa?

  7. UmmKhader says:

    TO Muslim girl and Maryan,

    Walaalayaal Assalaamu Alaikum, Islaamku inuu is caayo ma haboonaa, laakin marka dadkii aad ku ogeyd muslim, markuu dagaalku kululaado, safka gaalada ka soo jeesto, dhibaatadeeda ayey leedahay, xeefo iyo madax iskusheeg oo dhan gaalada kuugu soo duulay bay la safanyihiin, ka daran culuuntii dadka kitaabka barayey, iyaguna qaar badan baa la safan. Walaalayaal Allah iyo rasuulkiisa waxay nagu ogyihiin inaanu diinta Islaamka si kal iyo laab ah u hiilino.

  8. Muslim Girl says:

    Wc
    To Maryan

    Walal waan wanaagsan nahay adigana iyo inta kula mustawaha ah waxaan ale idiinka rajeen khayrfao badan walashay waxaan rabay in aan kula soo xiriiro ee halkee kaa helaa adoo aad u mahadsan

  9. cali says:

    walaalayaal yaa kadulmi badan nin baneestay dhiiga muslimka

  10. cali says:

    nimankaan lamagac baxay shabaab waa ninman gaaleeysiiya qofkii kasoo hor jeesta mab daooda waxeey lee yihiin waagaal nabiga csw waxaa laga wariyay ninkii ku yiraaha walaakiis muslima waxaa tahay gaal asagaa ah nin mankaa waxaa loo soo diriya ineey islaamka dumiyaan nabiga nnkh waxaa laga wariyay aqira sabaanka waxaa soo bixidoono qoom dhalinyaraa oodabaala waxeey kuhadlayaan ama ku sheekeenayaan kalaamka allaah iyo axaadiista nabiga imaankooda madhaawo kalxamaha ee hadaad kalulanaan dila sifiican udhuux weey kucadaadeen waayo koow waxaa ka ah magaca waa shabaab tan kale wee xeey aqriyaan ayadaha allaah wexeey udhaliishtaan islaamka ineey kugoowracaan dhiinteena kumataalo nin ashahaadanayo haladilo waxaa aragnaa dadka soo baxay masjid ayagoodilay waayo waadabaalo marka nimankaa ninkii iskuraacoow waxaa kuu dan beeya halaag

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS