Toban Mas’alo Oo Caddayn U Ah In Sheekh Umal Uusan Naasix Ahayn, Qore Bile Bilaal.


Assalaamu Calaykum Ikhwaani fillah, Alxamdulillah wassalaatu wassalaamu Calaa Nabiyinaa wa xabiibinaa Muxammed scw.

Intaa kadib: Waxaan rajaynayaa in dad badani la socdeen Muxaadarooyinkii Ruduuda ahaa ee dhexmaray Sh. Muxamed Cabdi Umal iyo Sh. Alcaalim Xassaan Xuseen Aadam.

Muxaadaraadkaas waxaa ku soo noqnoqday in Sh.Umal uu doonayo in uu u naseexeeyo walaalaha reer Daarulxadiith iyo Mujaahidiinta sidaasina ay dad badan oo caamo ahi iyo kuwo aan wax badan caamada dhaamin u arkaan in Sh. Umal ku saxan yahay arinkaa kuna haboon tahay,

laakiin aniga ahaan waxaan arkaa arin ka duwan sida dadku moodaan in badanina fahamsan tahay Sh. Umal hadalada ugu badan ee uu ka yiri Mujaahidiinta gaalada la dagaalamaysaa waa kuwo ka dhar beelay naxariis, caddaalad, naseexad iyo wax kasta oo ruux muslim ah loogu muujin karo in uu yahay walaal qaldamay isla markaana u baahan in si deggen loo saxo lana fahamsiiyo qaladkiisa, waxaana tusaale kuugu filan hadalada uu ka yiri Mujaahidiinta Sh.Umal qaarkood waa kuwo muujinaya in xitaa uu ku gaalaysiiyay sida in uu yiraa dhiigga Muslimiinta ayay xalaashadeen waana ognahay ruuxa xalaashada dhiigga Muslimiinta in uu gaal yahay.

Waa ilmihii Naafic Al Azraq oo ahaa Sheekhii khawaarijta nooca ugu xumaa ee Azaariqada, in uu yiri waa kuwii Cali Bin Abi daalib dilay oo dhiiggiisa xalaashaday, in uu yiri Gaalada ayaa ka fiican oo macnaheeda laga fahmayo Amisom ayaa ka fiican. Dhamaan erayadaas waxay ku jiraan Muxaadaraadka Sh. Umal iyo Khudba Jimcaha Masaajidka lagu qabto oo aan anigu u aqaano Shirka Jaraa’idka Jimcaha la qabto maadaama umadda aan wax kheyr ah loogu sheegin gaaladana lagu amaano Muslimiintana lagu caayo.

Halkaan waxaan doonayaa in aan ku muujiyo 10 arimood oo Sh. Umal si gaara uga aamusay ama u qiil baaray wax naseexana uusan ka bixin iyadoo mid kasta ka daawan doontaan waaqaceeda in ay ka culus tahay waxyaabaha uu ku dacaayadaynayo Mujaahidiinta ee bilaa burhaanta ah.

Koowaad: 

Jabhaddii UWSLF ee Ibraahim dheera ula galay Xabashida markii ay saxiixeen Dastuurka Gaalnimada ah Sh.Umal waxay ahayd in uu u raddiyo sida uu u raddin jiray una gaalaysiiyay Dawladii Cabdullaahi Yuusuf iyo Kooxda Shariif ka markii ay aqbaleen Dastuurkii Jabuuti uu u qiray in Gaalnimo ku dhaceen isagoo aaminsanaa in caddaynta uu xukunkooda gaalnimada caddeeyay in ay umadda nasiixa u tahay iyagana naxiisa u tahay si ay u tooba keenaan laakiin Ibraahim Dheere uma nasiixayn bal wuxuu aad ula dagaalamay dadkii raddiyay oo yiri gaalnimo ayay ku dhaceen wuxuu Sh. Umal sheegay in aysan haboonayn arinkooda in uu ka hadlo ruux aan waaqacooda la socon iyaguna ay yihiin dad cilmi leh una bisil xaalkooda.

Halkaan waxaan doonayaa in aan baraarujiyo Sh. Umal muxuu Mujaahidiinta waaqacooda ugu dayn waayay iyaga maadaama uusan isagu la socon waaqacooda uu Kenya fadhiyo? Haddii la yidhaa TV yada iyo Dad culumo ah ayaa meesha jooga Jigjigaba waxaa jooga dad ay dhibaateeyeen Xabashidu oo qalad u arka is dhiibidda Ibraahim dheere iyo Culumo meesha ka soo jeedda oo laftoodu waaqaca la socda. Ta labaad markiii Ibraahim Dheere iyo Sh.Umal waa isu Qabiil maxaa keenay in adeerkii u qiil baaro oo uu ugu qiil baari waayay Cabdullaahi Yuusuf oo majeerteen ahaa xagga jahliga diintana ka aad uga liitay Ibraahim dheere iyo Shariif oo isu Taw’iil sheeganayeen muxuu u gaalaysiiyay halkaa waxaan ka dareemay in ay ku jirto meesha FIQI TOLKII KAMA JANNO TAGO.

Labaad.

 Sh. Umal sidoo kale wuxuu aad u difaacay nimankii Masjidka keenay Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Kenya Micheal Renneberger waxaaba anig ila cajiib ahayd marka uu Sheekhu difaacayay in uusan iska hubsan waxa uu leeyahay ee difaac indho la’aan ah ayuu difaacay taas oo sababtay in Sheekhu ku fadeexadoobo si weyn waxaana kaga bogan kartaa fadeexadaas Cajalka ‘Ha noqon ku u dooda khaaimiinta’ ee laga sameeyay,

hadalada Sh.Umal iyo waaqaca ku duubnaa Cajaladii laga qabtay Shirkii Safiirka iyo Aw C.raxmaan Sh.Cumar, arinkaa waxaa iga quseeya laba arimood arinka koowaad wuxuu yahay Safiirku meelaha uu xusay in Mujaahidiinta la dagaalamayaan iyo Culumada waxaa kujiray Masjidka Sh. Umal Imaamka ka yahay sidoo kale waxaa soo baxay Muuqaalkii Safiirki balan qaaday in la isugu xirayo Kenya iyo Maraykanka isla Sh. Umal ayaa Muxaadaro ku galay kuna xadgudbay,

walaalaha Muslimiinta ah. Arinka labaad wuxuu yahay Aw Cabdiraxmaan Sh. Cumar wax nasiixa looma gubdin ee sida Ibraahim Dheere ayaa la difaacay Aw Cabdiraxmaana waxay isna isu Qabiil yihiin Sh. Umal waana isu ra’yi dhanka la dagaalanka Muslimiinta oo Aw Cabdiraxmaan wuxuu Fatwooday in Gaalada Amison Sharciyad ku joogaan xamar Muslimiinna yihiin arinkaana Sh Umal kama naseexeyn.

Sedaxaad:

 Bashiir Axmed Salaad (Bashiir Balcaam) oo ah Muftiga Amison isla markaana ah Amiirka Jamcaada Ictisaam ayaa been cad ka sheegay Kitaabka allah swtc wuxuu waraysi uu siiyay Idaacadda Alfurqaan ku sheegay in Kitaabka Allah aysan ku jirin wax diidayaa in Gaalo hubaysan sida Amison lasoo galiyo dhulka Muslimiinta wuxuu kaloo inkiray Qur’aan lagu dul aqriyay oo arinkaa Muujiyay,

Intaa ka dib waxaa la sugayay in Sh.Umal ugu yaraan ka naseexeeyo laakiin wuxuu ku sheegay arinkaasi in Bashiirku yahay Mujtahid oo uu ku ijtihaaday wuxuuna ku sheegay in uu yahay wadaad miskiina oo lugeeya, laakiin ijtihaadka loo ogol yahay goorma ayaa la fasaxay saw tii la gaalaysiiyay Shariif Murtad oo lahaa waan ku ijtihaadnay arinkaan. Mujaahidiinta marka meel yar oo lagu caayi karo la helona Jimcaha ayaa Shir Jaraa’id oo aad loo habeeyay la qabanayaa.

 

Afaraad: 

C/qaadir Nuur Faarax ayaa khudbad cajiiba ka jeediyay Xafladii dastuurka lagu samaynayay waliba ku sheegay Mahiiga iyo inta la socotay in ay yihiin Raaciyaal aakhirana la waydiinayo wixii allah raaciyay, Sh Umal uma bixin oo mana raddin umana naseexeyn Sh.Qaadir waliba inyar kadib ayaa C.qaadir ku daray in Dastuurka Puntland ay iyagu saxeen oo uu diinta waafaqsan yahay isla dastuurkaa mid la mid ah ayaa maalmo ka dib Sh Umal laftiisu raddinayay laakiin kama hadal wadaadaha raacsan dastuurka in ay ku qaldameen iyo in kale wadaadaha dastuurka sida cad illaa hadda u fatwooday way badan yihiin waxaa ugu horeeya C/Qaadir Nuur Faarax, Bashiir Axmed Salaad Balcaam, Cali Wajiis, Sh Umal iyo kooxdiisii Dastuurka Xabashida barakaysay.

 

Shanaad.

 Sh.Umal wuxuu ku sheegay cajaladii uu Sh. Xasan Takar ugu jawaabayay in uusan waligii Khawaarij ku sheegin Mujaahidiinta arinkaa oo malaha ka soo baxsaday kana duwan wixii ku duubnaa cajaladihiisii hore ayaa waxaa Sheeko xariiro duubay Axmed Cabdisamad Geesood oo ka mid ah PS ta Puntland wuxuuna kusheegay in Sh.Umal Siminaar u qabtay una caddeeyay in 16 qodob Shabaabku ku waafaqeen Khawaarija isaga Axmedna ku daray 2 qodob oo ka dhimanaa Usuusha Khawaarijta cajalka Axmed Cabdi Samad kuleeyahay wuxuu ku jiraa bogaga internet ka Sh. Umal arinkaa ma raddin wuu ka aamusay taasi waxay caddayn u tahay in Sh.Umal Siminaarkaa qabtay.

 

Lixaad: 

Sh. Umal wuxuu ka mid ahaa dadkii Iclaamiyay dagaalkii Kenya ku soo gashay Soomaaliya wuxuuna dhex fadhiyay halkii lagag dhawaaqay Sir Ali Club isla meeshaa ayaa Faarax Macalin Dawaare iyo rag kaleba ka sheegeen in Sh.Umal u fatwooday in Shabaabku yihiin Khawaarij Kenyana u banaantahay in ay layso Sheekhu waxay ahayd haddii hadalkaasi uu been yahay markii Makaroofanka loogu yeeray in uu raddiyo laakiin sheekhu waa carooday oo wuxuu ahaa nin sirtiisii la fashiliyay sidaa awgeed waa iska aamusay aamusnaantuna waa waxay ka mid tahay waxyaaba marqaatiga ka noqda raalli ahaashaha waxa jira Umal hadalka laga sheegay run buu ahaa taana waxaa caddayn u ah hadalkii Sh Xasan Takar marka uu ka caddeeyay culumo hortooda Sh.Umal saacad ma sugin ee jawaab deg deg ah ayuu ka bixiyay muxuu tan Faarax M. Dawaare uga bixin waayay ?.

 

Todobaad: 

Sh.Umal wuxuu walaalaha reer daarulxadiith ku maagay anigu ma fahmin haddii aysan ahayn maxaad sidayda mujaahidiinta iyo muslimiinta u caayi waydeen oo aniga iigu fakir noqon waydeen? Sheekha waxaa fiicnayd in uu Munaadara la galo si umaddu u aragto kooda saxan sidii uu C.qaadir Cukaashaba ula galay laakiin waxaan arkay anigu in uu difaacayo kuwa gaalada u gala kuwa gaalada kula ballama in ay mujaahidiinta ceebeynayaan sida Ibraahim Dheere iyo Aw C.raxmaan Sh Cumar mana arag meel uu ku raddiyay

Wadaadaha tooska u fatwooday dastuurka uu isagu afkiisa ku raddiyay laakiin reer daarulxadiith intaa waxay uga duwan yihiin masaa’il dad badan aysan ogayn ayay soo bandhigeen oo Sheekha iyo inta isu weelka yihiin aysan doonayn in la ogaado oo umadda la tuso sida ku cad muxaadaradiisa ugu dambaysay wuxuu ku ceebeeyay Sh.Xassaan in masaa’il qaar u salaxay Shabaabka oo uu fahamsiiyay isagoo ka muuqatay in uu ka xun yahay in arinkaa ka hadlo waayo haddii mas’aaishu qalad tahay wuu sheegi lahaa asal malaha ayuu dhihi lahaa ama culumada qabta sheeg ayuu odhan lahaa laakiin in gabi ahaanta masaa’ishaa la maqlo ayuu sheekha la dagaalsanaa taasina wadaal hadda bilow ah oo la doonayo in dadka diinta laga qariyo si meel qura loogu xirto.

 

Sideedaad:

 Sh Umal wuxuu ka mid ahaa raggii ugu waaweynaa oo ugu codka dheeraa ee caddayn jiray in Shariif iyo kooxdiisu Gaalnimo ku dhaceen loona baahan yahay in ay toobad keenaan ka dib markii ay ku dhaarteen Dastuur gaalnimo ku jirto laakiin mar shir loogu qabtay xamar 2009 kii wax loogu sheegay Culumada Soomaaliyeed Sheekhu wuxuu saxiixay isla markaana fatwooday in Dawladu tahay Dawlah Islaamiyah in lagu baxaana ay tahay wax aan banaanayn arinkaasi waa arin yaab badan keenayaa iyo su’aalo badan oo ay ka mid yihiin Shariif iyo Kooxdiisu ma toobad keeneen? Maxaa sheega ku qasbay in uu saxiixo fatwadaas? Mise raddintii hore ayaan diin iyo alle u dhawaasho ka ahayn ee arimo kale oo dunyaawi ah ayaa laga lahaa?

 

Sagaalaag: 

Sheekha waxaa ku yimid is badal dhanka manhajka ah sidii uu u necbaa gaalada in la soo dhawaysto, Kuffaarta in ciidan laga dhigto, in qawaaniinta wadciga lagu badalo kitaabka allah marka aad dhagaysto tafsiirkiisa iyo muxaadaraadkii kahoreeyay 2009 dhamaadkiisa waxaad dareemaysaa in hadda sheekhu hal qolo amah al dhinac weerar kuyahay oo ah dhinaca ka soo horjeeda in dasaatiirka iyogaalada ehel laga dhigto, in gaalada lala dagaalamo dad qaba, dadkaas ayuu sheekhu ku sheegaa khawaarij iyo waxyaabo kale isagoo eedeyn aan burhaan lahayn dusha u saaro laakiin dhinicii uu horay uga hadli jiray sida al walaa wal baraa, alxaakimiyah, iyo Ruuxa Gaalada soo galiya dhulka Muslimiinta Xukunkiisa arimahaas oo maanta dhibtooda umaddu la daalaa dhacayso sheikh kama hadlo.

 

Tobanaad: 

Sagaalka qodob ee aan soo sheegay markaa aan eegay waxaa dhiman wali kuwo badan intaana waxaan ka fahmay in sheekha laba arimood isugu timid arinka koowaad oo ah in sheekha uu la saaxiibay dad ka duwan kuwii hore sidaa awgeed cadaawad badan ku abuuray oo uga sheeko xumeeyay Muslimiinta gaalada la dagaalamaysa sidaa awgeed waxaad dareemaysaa in dadkaasi ay doonayeen in Sumcadda sheekha kaga faa’iidaystaan faafinta ujeedooyinkooda Qabyaaladeed iyo kuwooda aduunyo waana ku guulaysteen oo god dheer ayay sheekha ku rideen.

 

Tusaale Muxaadaradii ugu dambaysay waxaa sheekha lagu raray war ay soo duubeen Murtadiinta Puntland u talisa kaas oo ahaa cajalad laga duubay ruux la jirdilay taas oo uu sheekhu ka dhigay sidii wax dhaba laakiin aan ahayn wax la aamini karo Miyaysan Puntland ahayn kuwii Muslimiinta gaar ahaan kuwa Ogaadeen Xabashida u dhiibi jray?

Goormee runta barteen arinka labaad waxay tahay Sheekha waa ninka kaliya ee Mujaahidiinta la dooday ama la munaadarooday 2009 kii markii uu Xamar tagay waqtigaa ma sheegin wixii ay kala heleen laakiin Sh Jaamac Cabdisalaan Warsame wuxuu caddeeyay in Sh Umal laga helay Munaadaradii oo uu gacmaha ka taagay isagoo leh nimankaa wax xujo ah ama khalad ah kuma arag waxay ahayd in uu ka shaqeeyo in is fahamsiiyo Mujaahidiinta iyo Wadaadada Soomaalida isaguna Sumcadiisa uga faa’iidaysto,

waxaana aaminsanahay haddii uu sidaa yeeli lahaa in xitaa kuwaan gaalada ah kuqasbanaan lahaayeen in Ciidamada Gaalada saaraan marka ay arkaan Culumadii Soomaalida oo gees ka taagan ama Fatwootay in Gaaladada haddii aan la saarin lala dagaalamo Sida ka dhacday Yemen oo culumadoodu in baan oo ka mid ah sidaa yeeleen marka laga reebo Jadiidiyada oo iyagu ah Koox sirdoonka Maraykanka iyo Fahad samaysteen.

Fursadaas Sheekha waa dhaaftay wadadii ay ku rideen saaxiibadiina waxay u keentay in sumcadiisii meel xun ka laad laadsato maantana loo arko gaar ahaan shacabka gaaladu xasuuqayso u arkaan Sheekha nin Kenya kula socda xasuuqa, Nin Amisom u fatwooda cidda la dagaalantana neceb.

Taaariikhdii wanaagsanaydna maanta madaw badani soo galay kolay anigu caruurtayda waan u sheegayaa in uu jiri jiray nin Umal la yidhaa oo 10 kaan qodob uu xumaan ku sameeyay umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed waxaana rajaynayaa in la helo ruux culumada maanta ka qora buug lagu cadeeyo mawaaqiftooda iska soo horjeedda. Si umaddu u hesho marjac waxa jiilkan maanta ku sameeyey wadaada amisom uurka kala socda.

Akhuukum

Bile Bilaal 

asalraa3@hotmail.com
Somalimidnimo.com  

23 Responses

  1. Ahmed says:

    Akhii B. Bilaal

    Waxaad ku darta oo Sh. Umal yidh KHawaarijtu welgood gaalada ma layaan ee waxay dilaan muslinkoon, markaa Shabab, waxay la dagaalamaysa Kiinyaan, Ugandhiis iyo Burindiis , Xabashi maxay yihiin ma musliinba.ma dhiig muslin ayay daadinayaan mise dhiig gaalo.

  2. umu_barau says:

    Yaaaa kariim, maqaalkaaga akhi waad ku fara yareysatay jazaakallaahu kheyran wakatharallaahu amthaalaka Amiin.

  3. Guhaad says:

    GABLAN TALO ADUUNEEY MAXAA TU WALBA LOO JOOGAY !!!

    Umaloow wxan waqti dheer kaa aaminsaneyn inaad tahay WALI-ALLAAH ,Maanta ma wxay mareysaa in laga digo BAADINIMADAADA….CAKKU ADUNYOOY NIN WAX KU MOODAY WAKAAAA!!!

  4. saalim says:

    asc

    waxaan leeyahay qoraaga qoray maqaalkan in aad alle kabaqato aadnaka iska dhaaftiin
    culimadan dhiigooda waa sun ee alle kabaqa alshabaab waa lumiyeen taageeridiid shcabka

    dhiiga muslimka masahlano war alle halaga baqo culimada aad ahaben iyo maalin heysateen iska dhafo

    aniga kuli culimada waan jeclahay dhamanatood mana kalgeynaayo

    wabilaahi towfiiq

  5. Ndn says:

    Walaalken bile bilaal
    waxan leeyahay jazaakallaahu kheyran waxaad nagu baarujisey arin aad muhiim u ah xiligaan maxaa yeeley dad badan waxey umaleeyaan in sh. Umal uu uwanagsan yahay sidii hore marka dadka musliminta ah waa iney kubaraarugaan wadaadkan fitnoobey ee kasoo jeestey safkii gaalada lana dagaalamaya mujaahidinta hadi isagu isku dhiibey ilaahey cadawgisa fulaynimo darteed mujahdintu marna hubkooda madhigi doonaan insha,alah inaguna hada nahay musliminta waxanu lagarabtaaganahay hiil iyo hoo ninkii ridoobana ilahey waxba kadhibi maayo

  6. somali1 says:

    bilaal adiga caalim ba tahay anana caamo what is that means cajiib weya wlhy dadkan somalida ah

  7. nur macalin says:

    Sh.maxama.m.umal kheyr alaha siiyo maxayelay wa macalinka iyo aabaha kuriyay dacwada kenya xassan aya kamid ah dadka shekhu socanbixay wiilka iiga lexda dacwada ayu iganasine su ulaha mantana wuu lamurmaya

  8. abdi-xayi says:

    Akhii waxaad kaloo ku dartaaa maxamed umal in uu afkiisa ka cadeystay sanadii 2009ka marka ay ahayd in uu tagay Aadan madoobe oo markaas ahaaa gudoomiyaha barlamaanka ridada kana codsaday in kitaabka Quraanka ay qaataan xakuna ay ka dhigtaan su’aasha meesha taala ayaa waxa ay tahay kitaabka munazalka ah gor gortan ma galaaaa su’aasha labaadna waxa ay tahay Aadan madoobe iyo cabdi qeybdiid ma’ahaayeen dad culima ah oo diinta islaamka ehel u ah jawaabta oo kooban waaa maya

  9. Yaasiin says:

    Waxa in laxuso mudan marki shibile abyad sh. C.raxman, umal iyo inta sooraacdo ey hujuumen sh.xasaan shiquna iska difaacay una babac dhigay waliba meel kuhubsaday bey hada iyago dhan ictisaam o dhan waxey soosaaren qoraal ey kufaafiyen websiteyaha cadawga iyago leh wadadka xasaan ah manhajkisu wa manhaji khawarijta yaan durus lag dhageysan canjaladihisa yan laga ganacsan kutaab u aqriyayna yan ladhageysan wayo manhajkisu wa manhajki khawarijta kkkk alla wey cabaadeen

    -

    -
    walal webkan tacliiq kadhibta an magacisa xasusan aya hada kahor yiri ictisaamku waxey qorshenayan iney fatwo wada jir ah soo saaran o ey kudacaayadeyayan sh. Xasan iyago umada qaldaya kuna dhahaya kutabada xasaan yan ladhageysan cashirana yan laga aqrisan marka walaalkaas isaga isyaqane waxan leyahay hadalkadi wu rumobay hanianlaka ya akhii
    ictisamna sasey kufashilmen iyga kitabadoda lamadhageysanayo qofna wax ka aqrisa mee dadkey qaldi karan haqaldaan

  10. jacfar says:

    Bilaal Ninka La Baxay oo Shiikha ku mashqulay ..Aad baad shiikha ugu mashquushay lakin qodobo badan aad ku qaldantahay…..
    1- Marka hore waxaad ogaata shikh umal wa nin caalim ah hadalka uu ku hadlaya ka soo naqlinaya AL kitaab Wasunnah bifahmi salafi saalix ..Marka adiga inaad ka faalaato sida arin fikir ku dhisan oo kale waa wax laga yaxyaxoodo

    2-Mida labaad markaad fikirkaaga ku dhiseeso arin culumo ka wayn wayn ay ka hadashay maad ka hadashid dastur la ansixiyay .. alshabaab afgooye ka cararay kuwaas ayaa dadka isku mushquuliyaan..
    3-Mida kale waxaan ku leeyahay kabo kaa wayn wayn ayaad gashatay oo hool aan lagu dirsan oo aadan u qalmin inaad ka hadasho ayaad waqti badan ku dhumisay .
    4-Keliya waxan ku leeyahay Nin lunsan baa tahay ee arinta ku haboon fikir iyo saasa la yiri ka hadal lakin hool aadan ehel u aheen haka hadlin ..
    5- Nasuus noo soo guuri si aan kugu qanacno lakin qoraalkada aadka u liita wuxuu na tusaya ina tahay shaqsi aad u maan gaaban .
    6- hadaad rabtid inaad soo caan baxdid oo msnka laguugu so darsado taas waad ku kadsoontay ku dhahay sxb wax badan lagu soo caanbaxo badan .

  11. waayo'arag says:

    walaalkay Bile ilaahay kheyr hakasiiyo, si fiican ayad uqortay, waxaana iiso uruurisay waxyaalo badan oo igakala baahsanaa.

    Hadda Umal mawaxu raba inuu difaaco kuffaarta kiinyatiga ee kanisadaha lagu baabiinaayo? ilaahow niin waxoogeyn ha cadaabin ayey tirahda soomaalidu, war maxuu uga hadlilayahay duulanka addoonta gaalada kiiniyatiga ayaan isweediin jiray? ILEYN fatwoyin ayaba kasoo bixi jiray Sir Ali Club(whatever Sir Ali Club means) yaa?(#LIXAAD)
    Waxuuba kumashquuleba sawiro lalagalo wasiirada kuffaarta , iyo seminaarada lashaqeenta PISta Puntland uu ka qeybgalo.cajaladaha PISta xabad xalaala kuma jirto Umal waxu naleeyahay cajaladan dhageystey. Kawarama maalinta qiyaamaha ?
    niinkii Umal ma aragteen aya kadhacdayKKKK tooshka ku ifiya UMAL umada muslimka hanala aragte.

  12. Suhaib As-Somali says:

    Akhuna Bile Bilaal, Jazaakallaahu kheyral jaza, Umal waxaanba ka yaabnay marki uu ka hadlay oo caddeeyay iney qaladtahay Gaaladi Kaniisadaha Garisa lagu laayay, isagoon ka hadlin Dadki Muslimiinta ahaa ee Gaalada Kenya ku laayeen Somalia gudaheeda, Markaas ayaanba gartay inuu yahay Nin Kenyan Waddani ah oo dadkiisa reer Kenya Gaal & Muslim-ba ka naxaya lkn aan Muslimiinta Somalia shaqo ku laheyn, {Waan ku fahannay Sheekha Keenyaatigoow.}, Wabilaahi Tawfiiq.

  13. Haybe umal says:

    Asc walalaha ee daynayo qoraaga bile bilaal waxan leyahay marka hore sh.umal looma waxyoodo cilmiga aad lee dihiin wuu yaqaana wan ognahay wuuna bartay wana lala bartay lakin waxa lago baahanyahay cilmigakadib tawfiiq shiikha wuu simbiririxoday allaha soo hanuuniyo marka xigto shiikha hadii lafiiriyo muuxaadaraadkiisa ku saabsan mucaaradnimada lama socda marka horo taarikhda “shinbir duul duulbadan aflibaxbay dalaq dhahda”marka hore shikha muxadaradi hore marka uuka waramayay dilkii sh.kamid ah culimada somaliyed markii hore wuxuu korka kasaaray sh.xasan takar hadana wuxuu korka kasaaray sh.xassaan xusen marka sh.kha ben mel magaarto ee allaha soo hanuuniyo shikha “وآخردعواناان الحمدلله رب العالمين”

  14. Shekuna says:

    Waxan mesha ku arka komenti u diibtay islakii qoralka qoray wa yaab

  15. Ata-turki says:

    Waryaare hee sheikha yaanan lagu talaxtagina!Nin aan qof far ku fiiqin oo aan far ku goodnayn majirtee!

  16. muuse says:

    sh umal intiina meesha ku xiiqsan wuu idinka cilmi badan yahay, ee damiinimada joojiya oo ixtiraama culumada idinka miisan weyn, hadii aysan ahayn xaasidnimo iyo waali waxa idin haya

  17. MOHAMAD says:

    Asalaamu calaykum walaalow waxaan kuu sheegayaa inaanu
    cabduraxmaan sheekh cumar umal adeerkii ahayn ee hayb ahaan uu yahay
    reer aw xasan

  18. Asc Wr Wb

    Runtii xaalku ayantan ma yara … o dabeelaha fitnada marba dad bey daboolka kaqadaaan !

    Mar walba waxaa ka badbaada fitnadaas dadka marjicooda yahay Kitaabka iyo Sunada … laakiin nasiib xumo hada maxaa socda ???

    Waxaad arkeysaa qof dhan oo doodaya oo leh .. side eudhacday in aad garato waxa uusan garan Sh Umal iyo asxabtiisa culimada kale ????

    Runtii Markaasoo kale waxa igu soo dhaca … waxa ku dhici jiray imaamyada dacwada ee waa weyn sida Ibn Taymiyah iyo culimada tawxiidka !!

    Runtii Bayanka ama fatwada ay culimada so sareen waan akhriyay … waxaad moodaa markad akhrineyso …. in culimada ay ladagaalamayaan ahlu bidac waa weyn …. oo lakari waayay sida khawaarijta waa weyneed iyo muctazilada ….!!

    Sh Xassaan malawaayay dad Munadara meel kusaara …. marka bayaan leysla soo saarayo runtii . ani waxan ka midka ahay dadka aad uraba iney munaadaroodaan culimada saan uga faa’ideysano … xitaa haba laga badiyo sh xassaan walow aan umalaynayn in meel ay saari karaaan !!!

    Lakin alxamdulillah .. ilaahay sunadiisa waxay tahay in dacwada mar walba o leysku dayo in la afduuobo ama afka laga xiro … ay usii kororto thabaat iyo cizi iyo dadkii oo qalbi furan kuqaabila !

    Iska suga wad arki doontaan dacwada sh Xasaaan oo somalida qaadata …!!

    Walalkiin

  19. faais says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk subaxaana llaah waxaa isoojiitay cinwaanka oon is iri bal fiiri tobankaan uaalood laakiin nasiib daro aan furayba cadaalad darada ayay kubilaabatay oo ah sh maxamed cabdi umal iyo sh alcaalim xassan xuseen kulahaa yaa labadooda caalim mudan inladhaho hadii eey labadoodaba yihiin caalim yaa mudan in lahormariyo maxaa cadaalada looga tagay umaduse mafahmayaan maqaalka iyo waxa uu xambaarsanyahay maqaal cadaalad daro lagubilaabay wax qodabiisa waqtiloogudhumiyaa anigu ma arko yaase fahmi waxoo dhan salkaa laga mari

  20. Gaadh says:

    Allaahu akbar mawaxaynu nidhaahnaa rabi kacabso iyo rag iska raw meel mawada galaan walaalayaal alle halaga cabsado

  21. Cadani says:

    Asc wa waxlalayabo in culimada dinta alah kor uqaday lagumashqulo mida kale comentiga dadka qoray waxan kudharan kara padi waxa leh kar warka qoray war ale kapaq

  22. Yaasiin says:

    Ku.cadani

    .
    Kudhaaro bal dhaaro aan qanacnee

    -
    waxan hubaa inaadan dhaara karin waayo maxaad kaogtahay wad aqrisay leehe
    mise dhaartaa kulufudud wayahe dhaaro hadad dhaarta wax fudud umaleysid wa dhaara hakuboteyne ( weyki andaano)

  23. asc wrwb dhamaan walaalaha muslimka inta sheekh al caalim al rabaan sh.maxamed cabdi umal taageero uheeysa dar allaahna u taageereeyso allaah habarakeeyo kan maqaalka qoray iyo kuwa oranayo umal oo xitaa sheekh umal u quuri waayay waxaan lee yahay allaah ha idin soo hanunsho aamiin amaa sheekh xassaan xussen wixii uu ku qaldan yahay allaah haku soo hanunsho wixii ku saxsan yahayna allaah haka ajar siiyo aamiin ee culimada dhamaan ixtiraam beey nagu mudan yihiin shabaab waa jamaaca islaami ah ictisaamna waa jamaac islaami midwaliba qalal daad weey lee dahay cadalada hala dhooro wsc wrwb

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS