DAAWO: Yuusuf Xaaji Oo Inta Khamiis Soo Gashaday Culimada Magaalada Gaarisa Ugu Yeeraya In Ay Taageeraan “Terrorism Bill” Iyo Sh. Umal Iyo Shibile Oo Ka Aamusan.


GAARISA:-
Yuusuf Xaaji oo gaaladu Labo Jago u dhiibtay si uu Diinta Islaamka ula dagaalamo, wuxuu isku hayaa, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga, waa Booskii Saitoti ka bakhtiyey.

Yuusuf wuxuu tagay Gaarisa wuxuuna la hadlay Culimo balse Kaamirada lagama soo saarin sida aad ka daawan doontaan NTV gaar ahaan waxaad ka eegi kartaa in uu Culimo Khudbad u jeediyey qoraalka ku qoran Youtube’ka aan hoos ku daabacayno!. Gaalnimada uu ugu yeeray Yuusuf Xaaji Culimada Gaarisa waa in ay u codeeyaan Bill’ka ama Lacagta Baarlamaanka Kenya Ansixinayo ee lagula dagaalamayo waxa ay ugu yeereen Argagaxisada (Terrorism Bill).

Bal aan Qoraalka Youtube ka NTV, aan wada Aragno (Acting Internal Security Minister Yusuf Haji has criticised some Muslim groups over their stand on the Anti Terrorism Bill. Addressing clerics in Garissa,)

“Wuxuu ka shaqaynayaa oo isku day ka ah, Wasiirka Arimaha Amniga Yuusuf Xaaji, oo uu shir u qabtay, qaar kamida Culimada wuxuuna kala hadlay qorshaha dhaqaalaha lagu bixinayo ee la dagaalanka Argagaxisada”.

(Haji said the campaign against the new law was misguided, as it was not targeting Muslims. He said those opposing the bill were not speaking on behalf of Muslims)

“Yuusuf Xaaji, wuxuu yiri oo uu Ol’ole ugu jiraa kana soo horjeedaa in Sharciga cusub been laga sheego, wuxuuna yiri Sharcigaan kama soo horjeedo Muslimiinta, wuxuu yiri, Dadka kasoo horjeeda dhaqaalaha lagu bixinayo la dagaalanka Argagaxisada ma ahan kuwo ku hadlaya Magaca Muslimiinta oo matali kara Muslimiinta!”.

Muslimiinta Kenya joogtay oo dhan waa kaceen, gaar ahaan Muslimiinta dagan Gobalka Xeebtaa ee Magaala Madaxdu u tahay Mombasa, laakiin Soomaalidii Gaarisa joogtay waxaa Diintoodii ka fitnaynaya Yuusuf Xaaji oo Khamiis usoo gashaday uguna yeeraya in ay taageeraan dhaqaalaha lagu bixinayo la dagaalanka Muslimiinta!,

Waxaa cajiib ah in uu yiraahdo Murtad Yuusuf Xaaji, Dadka ka soo horjeeda taageeridda dhaqaalaha lagu bixinayo in Muslimiinta la ugaarsado kuma hadlayaan Magaca Muslimiinta!, tolow Asagu muxuu Khamiiska usoo gashaday soo kama dhigna Magaca Sheekh Maxamed Umal iyo Sheekh Shibile in uu ku hadlayo oo kaalintoodii uu buuxiyey ama ay soo direen, maadaama uu Shir hadda kahor kala qayb galay!.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibilihii gaalaysiin jiray Sharif Sheekh Axmed iyo C/laahi Yuusuf kama hadlaan duulaanka Axmed Madoobe,  Isdhiibitaanka Ibraahim Dheere iyo gaalnimada uu ugu yeerayo Culimada iyo Ducaada Soomaaliyeed ee Gobalka NFD!.

Waatii Sheekh Maxamed Cabdi Umal lahaa, Sheekh Xasaan in aan radiyo wax iga furta ayaan waayey, tolow yaa ka furtay Yuusuf Xaaji!?, Wadaaddada markii Muslimiinta waxyar ay gaystaana Afka Candhuufta cad ka tufaya oo gaalada iyo Murtadiinta ka naxaya dhibka soo gaara una damqana!, markii Wadanka Muslimiinta lagu duulo, Muslimiinta markii la xasuuqo, Muslimiinta markii Nin Murtad ah Khamiis inta uu usoo gashado uu gaalnimo ugu yeero, Nimanka Wadaaddada sheeganaya ee ka aamusaya Shirqoolada Muslimiinta Masaajidda Al-ictisaam loogu dhigayo, markii la yiraahdo Culimada la dagaalanta Argagaxisada ayaad tihiin waa xanaaqayaan!.

Waatii Sheekh Umal lahaa, Sheekh Xasan ayaa yiri, Culimada Argagaxisada ladagaalanta warkooda marabo markaas ayaan xanaaqay, waxaad arki doontaan Caamada iyo Shacabka Muslimkaa ee Kenya oo gaalnimada diidaya iyo Canshuurta ay bixiyaan in lagu xasuuqo Muslimiinta iyo Culimo Rag badan oo aad u haysataan oo Afka Xanjo ku dhagsanaya!.!

Sheekhul Islaam Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan ayaa Muxaadaraadkiisa ku caddeeyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Shibile in Qabaliyad iyo Casabiyo in ay qaaday oo Reer Tolkood iyo Xarakada Al-ictisaam ay u xagliyaan, Shacabka Soomaaliyeed Wadaadxumayaashaas waxay yihiin waxaa u caddeeyey Sheekhul Islaam Sheekh Xasaan Xuseen Ilaahay ha xiftiyee, meelkastana Wadaaddadaas  ceebtooda iyo eexda ay galeen waa taalaa godobtoodu!.

Hoos Ka Daawo NTV.

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com 

24 Responses

  1. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb
    -
    Markaan arkay sawirkaan waa qoslay!! khamiis la soo xirto iyo masjid laga hadlo iyo qofka hadlaya! cajiib!!
    -
    Marka la kaluumeysanaayo kaluunka waxaa loo geliyaa birta lagu dabaayo qeyb cad kaluun si uu isu yiraahdo cun

    Soow marka khamiiska iyo masjidka oo la yimaado soow ma ahin Muslimku ha ku moodaan Muslim sax ah dabadeed ha la liqo!
    -
    Soomaali waxay tiraahdaa “Lafa maroodi iyadaa la isku jabiyaa!!”
    -
    Yusuf Xaajiyoow ma dooneysaa in aad saxiibkaa Saitoti halka uu hadda ku sugan yahay inshaa ALLAAH sida aan rajeyneyno aad ku danbeysid mise waxaad rabtaa in aad jannadda ALLE gashid?!
    -
    Haddaad Janno rabtid waxaan ku xasuusin ayadda markaan Soomaaliyeeyo ah “Kuwa Rumeeyay aan iimaankooda ku dheehin dulmi kuwaas baa nabadgelyo u sugnaatay”
    -
    Wadaaadka qamiiska watoow dhalasho Soomaali baa tahay! diin ahaan Muslim baa tahay!
    -
    Reer Kenya badan maxay ila qosli hayaan!! markay ku arkaan sida aad wax u wado!
    -
    Inshaa ALLAAH guusha Muslimiinta lagu soo duulay baa heli.
    -
    Umul & Shible ma Soomaali baa?! ma Keenyaati baa?! ma Itoobiyaan baa?! hadda oo kale ma hadli kartaan!! marka mujaahidiinta dhulkooda difaacanayana wax iska celiyaan af labadii baa qeylisaan, intaas maysan idinkugu filneyn ceeb iyo qalad?!

  2. calaancal iga dheh waxa uu sheegaayo hogaamiye haan cilmaaniga ah waxuu ku leeyahay wadankeena ayaan ilaalsaneynaa caruurteena wax ayeey noo bartaan culimadeena dadka ayeey masaajida iyo madaarista wax ku baraan iyo ganacsatadeena wey wataan shaqdeena ee waxaan iska ilaalineynaa dalkaan burbursan ee somalia b
    big sheydaan adeer waxaan ku leeyahay adigaa lugaha lagalay ee calaacalka jooji ee iska dhici raga aad gurigooda ugu tageteen mawaxaad u maleysay inaad somaliyana ka qaraaban karto wadankaagana uu amaan kuu ahaanaayo may may may taasi rag baa diiday ragbaa wadanka iska leh sida aad u jeceshahay kufaarta rag ayaa u jecel wadankooda muslinka sida aad u difaaceysid kufaarta kenya rag ayaa jecel iney u difaacaan muslimiinta wadankooda lagu soo duulay haddii uu leeyahay caruurteena ayaa wax noo barata adeer annaga caruurteena waa xornimo doon waxeyna dhufeysyada ugu jiraan diyaarada wadankaaga marka calaacal wax ma taree adkeyso ooo lahow dhiiranaantii aad somaliya ku gashay

  3. HARADHERE says:

    ASSALAAMU CALEYKUM DHAMAANTIIN WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA MAGAALADAAS GAARISA DADKA DAGAN OO AAD HADDA LA YAABANTIHIIN NIN EY QARAABO YIHIIN OO EY DIINTA KU TUHMAYAAN INUU QAMIIS U SOO GASHTEE WAXAABA QAMIIS U SOO GASHTA MARKUU RABO UNUU DAN KA DHAMEEYSTO RAILA ODINGA MARKA HA KA SUHINA LA YAAB WAAYO RAILABA LAMA EYSAN YAABIN.

  4. Abuufatima says:

    Gobislaan ma maytay rabaan maantay hiilkooda
    Ma markhaati beenaad ragii maray shalaytoole
    Oo mawjadii sheekh Xassaan madaxa hoos geeyey
    Yaad milicsanaysaan inay maanta kugu caawin
    Maryo nool ayaad moodaysaan mati aasnayde
    Muuqaalka oo qura ayaad milicsanay saane
    Ictisaam marhore wada dhintaad meeyey leediine
    Mawd aan wax reebayn ayaa baa ba,shoo maraye
    Mucsur wada fadhiidaad rabtaan maantay orodkoode
    Masakab laawe yaashaas kufriga maali fatwadooda
    Oo magaca diineed siteen wada mas joohaare
    Hiilkooda maanrabo hadii mawle naga kaalay
    Maalinkii nasaaradu jabtaba way madluumaane
    Gaarisaa markhaatiya ninkii joogay madashaase
    Mahlakada dalkaan taala iyo dhibabka noo muuqda
    Waa maati Ictisaam ahoo gaal madiidaystay
    Waana madax irjaa galay hadaan been la marinayne
    Gobislaam halkay marahayaan Eebe muuneeye
    Muslim lama simaan gaal xunoo buuyo miiqnaaye
    Madluun kama noqdaan guul walaal maanta soo helaye
    Way uga maqsuudaan hadana mawle xaamidine
    Ictisaam miscilishuu dul dhiga Maahirka Xassaana
    Madaxaba miyey qaadayaan abid masaakiintu
    Muran beena waatay afxumo uunka maqashiine
    Masayr awgi bay garan la,yiin meelu xaal maraye
    Manqo wada finaaqiyo badhadu maal xun wee yaane
    Madibaa martida loolisaa meeri laylkiiye
    Nin asagu muraadkiisa gabay ruux mamuunayne
    Mindi saawiray wada sitaan oon miiqna goynayne
    Musbaa lala koriyo odayadood meel ciriiryoone
    Caamada miskiintaa ayey madax u waynayne
    Nin Ilaah macbuudkiisa ayahay maanta ka xorawye
    Naga daa majaafadu malahan milicsi diineede
    Fatwo mala nasaaradu fadhay muujinahayeene
    Waxaa shacab masaakiinu go,ay amase maalkiiba
    Mawjadaha kufrigu nagu harqiyey muujin mayn abide
    Waxaa madaxyo yaal yaalayee mawdku naga haagay
    Goorti habar masiixiya ladilo yey murmahayaane
    Noomay maqeen kuwkan waa duul maraykaane
    Hawwada mashxaradeen kufiga maantay dagay ciida

  5. umu_barau says:

    Waji tuug ah ayuuba leeyahay, waxaa fiicneyd inay suu,aal soo dhex dhigto aqristayaasheeda oo,ay dhahdo yaa yaqaan laacibkaab!, waxaan hubaa in dad badan uu,ula ekaan lahaa wadaado ictisaam ka mid ah!!! Inkastoo ay jirraan dad garan lahaa si kastoo uu qamiis u soo qaato marka meeshaas maad baa nagu dhaaftay aanse idin weydiiye qacda hore yuu,u egyahay?Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, illaahoow shaqsi shar badan hanoo ekeysiin oo aynaan meel kula shirin xasbunallaahi wanicmal wakiil.

    • أم خطاب القاعدية says:

      kkkkk Beenta ma ahan lakin odaygan aniga wan aqaana
      Hada kohor dadbuu ukhudbeenayay kulahaa SHABAAB MARKAN MAQALNO SARIIRAHA HOOSTOODAN GALNAA .Marka rucub intas aaba ugu fillan odaygaan Alshabb wa kuwan hadii ladhihilaha qamiiskan wuukabixilahaa kk

  6. caaqil says:

    shaki iigamajiro nin xaqa alle kaleexday inuu sheekh iyo saaxiib iyo gacal sida far iyo faraanti sheydaan kadhiganaayo oo xabiibkiis yahay ee aniga waan yaabaye ictisaam hada ma allaah ayeey damacsanyihiin ineey siraan BOROORTA ORGIGA KAWEYNE. QATAAROS

  7. xamdi says:

    war waxaan waa duli ,kenyatiga caqliga gafuurka ka galayna wey kasii liitaan odagaan duligaa,waayo waxaan daciifkaa qalbiga iyo jismigaba ka dhintay bey wasiir ka dhigteen xoolo iney ka caqli liitaan,
    waxaan xasuustaa isagoo carooday afsoomaaligiina ku dheelaya ee ku leh mujaahidiinta kuwaasi waa bilcaamo oo kaleex!!!
    waxaaban ku lalaboodaa gacmihiisa maliilkaa eed moodo wax sanadhore baqtiyay dufkubax.
    ilaahay sw ha kaa jaazeeyo dulinimadaada,ciziga aad gaalomadoow ka raadisay umad nfd ha sumayn awalbeey gumaysi iyo bahdilaad ka soo daaleene wasaqyohow bilcaamaha kaa xayisan oo kaa damiir iyo caqli badan ileen ayagu kufaarta kenyatiga waxay ugu yeeraan cabiid.

  8. Muxsin says:

    Asc Aniga wanjogay gobta u kahadlayay marka ninkan wa nin dorasho isudiyarinayo danahisa ayu wata inigana danahina ayad wadatan iniga inad culumada ictisam caysan oo yusuf xaji caysan washaqadina asagana inudanahiisa iyo kuwa shacabka somaliyed ee kenya jogo kahadlo wa xaqiisa lakin kuwa arintas wax cusub u arko ayan layaba to abufatumo gabayadi culumada ictisam aad kucayi jirten ayad diin kadigataten gabayga marki lagagaso jawabi ayu fiicanyahay sidi qabailadi somaliyed iskugujawabi jiren ee aad kudayaneysan ilen iniga dadka xunxun aya rolemodel inii ah sida benalayasha tugada isqariya iyo kuwa waxdila lakin sidan wa cayb inad kaliga daroryanto

  9. abuu jaabir says:

    waar kaasi bari hore ayuu inaga dhintay sh umal iyo shibilina way kadaba dhinteen
    ee ala haynaga dhawro sharkooda alaaah haka dhawro dadka muslimiinta ah
    shirqoolka ay kuwadaan islaamka alaw naga qabo gaaalada iyo wadaada lasocdaba

  10. Yaasiin says:

    Ku. Umu baraa,

    -
    k k k k k k k k cajiib
    adna ileyn mixnadaa noqotay

    -
    aan idinla kaftame qacda hore wadadke uegyahay kkk wa war cajiiba


    ilaahey haku dhawro ajirna hakusiiyo

  11. caaqil says:

    KU= MUXSIN, SAKARAAD BAATAHAY INTA DANTOODA AAD NOO CADEYSAY GARANAYE ADIGA INAAD IS CADEYSAA FIICNEY XAGA AADTAHAY XIZBUL- LLAH IYO XIZBULSHEYDHAAN

  12. Yaasiin says:

    Ku. Muxsin

    -
    murtadka xaad ka ak qabeysay matuugsaneysay

    -
    waligiinba gaalan lajoognaa kufaana uf
    mawaxaasad hadal kadhigd ana jogay cajiib

    -
    ictisaam ayu taagera kasoraadshay

    -isago wadankena malin walba birimageydada kuduqeynayo bal mey kahadlaan

    -
    muxsinow suashan ka jawaab


    ictisaam maxey duulaanka kenya uga hadli la yihiin?


    dadka ey duqeyan ey gado jilib hosingow kismayo kulaayen e carurta duqoshinka ah maxey uga hadli waayen?

    -
    bal hadad caqli ledahay kajawaab suaalahaas

  13. Gundiid says:

    Waxa lala dagaalamayo waa khawaarij ee ma aha muslimiin asal ah.

    waxa lala dagaalamayo waa ku wa dadka gaaleeysiinaya ayagoo 5tiisa waqti tukanaya

    Waxa lala dagaalamayo waa kuwa diinta sheeganaya hadana afka duubanaya sidii shuftada aflaamta akshanka ee gaaladu jilaan

    xagee lagu arkay mujahid wajigiisa qarsanayo

    khawarij duf ku baxa ilaahaan idiin baryay…..waa dad diinta ku nacsiinaya

    Yusuf xajina dadku uu tafa xeeydanayo waa kuwaa ee hala taageero.

  14. Abuu iqlaas says:

    S/c Gob islaam waxaanka codsanayaa in hadii alaah idmo aan baydhabo ku noqdo meel la yiraado Golaha Baraaruga islaamka aan furo si aan ugu cadeeyo dadka la qaldaayo xaqa sida aad dadka ugu cadeyneysiin jazakumu laahu qeer

  15. najib says:

    yuusf shaqo ay isla ogyihiin umal iyo shibile ayuu qabtay e siday u radin!!!!!!
    in mujahaidiinta lala dagaalamo way ka midaysanyihiin midna waa kahawaarij ayuu dhahayaa midna lacagtii lagu layn lahaa ayuu aruurinayaa
    marka somalimidnimo wali qawdu uma dhaadhicin.

  16. lafoole says:

    Mid Cabdallah layiraahdo oo naloo adeegsado waa caadi. mid sheekh layiraahdo oo naloo adeegsado waa caadi. waxaan caadi ahayn wasiirkii gaashandiga keenya oo sheekh inta isu badalay khudbadii jimcaha bixinaya.

    Taas waxay cadaynaysaa argagaxa iyo naxdinta soo wajahday dowlada kenya.

    Waxaan hadda sugnaa waa sheekh Umal oo lagadhigo wasiirka gaashaandhiga oo wasaarada gaashaandhiga ka khudbadaynaya.

    • أم خطاب القاعدية says:

      akhii wallee wa yaab Amma Afkaaga Allah qabtaa
      Cimri dheer Allah swt hanasiiyo mid dhici doontay iila egtahay walle
      walakinallah yaclamu masayatii

  17. Qoslaaye says:

    dulli dhabar weyn ah waaye kan maa qarsoomaayo si gastoow khaamiis usoo gashto

  18. Aden abuu aden says:

    Odeeyga waa maangab. Billka waxaa loo gu talagale inii xoolaha taajiriinta Islaamka lugu dhaco. 60 sano ayuu ahaa shaqaale dowlad, wax mabarto, maan gaabka….

  19. Yaasiin says:

    Ku. Gundiid

    -
    xaad jihaad kataqaan

    -
    bal sifaatka khawaarijta sheeg

    -
    micnaha khawaarij mataqaan

    -
    khawaarijtu gaalada maladagaalamaan

    -
    caqlilaawaa tahay
    e sifaatka iyo shuruudaha khawaarijta so baro hano cirid weynan mesha maba taqaanide xaad iskudhibe

  20. Cadde says:

    Asc. Waligaa taageer muslimka dhexdhenxaadka ah ee wanaagsan. Ha taageerin kan afka duuban ee is qarinaayaa ina is qarxinayaa. Mujaahidku waa inuu wajigiisa muuqdaa dacwadana ku dhex wado jihaadka. Mideeda kale hogaamiye aan wajigiisa la arkaynin muxuu yahay? Ictisaam isma qariyaan.

  21. waayo'arag says:

    Filimkii argagixisada lagu matalaayey waa dhamaday! waxa ruuntii ba soo hadhay! Shariif murtad oo ladagaalamaya hirgalinta shareecada islaamka.Un-ta(gaalada middooday) oo diinta islaamka baa’biinaysa.
    ma ujeedan sidii mareekankii ayey kuffarta kiiniyatiguna uu cayrdhooben, markaasu macalimkani bill lasoo baxay sii aw ugu bililiqeesto xoolaha muslimka kiinya. Yusuf xaaji wa cadowga soomaalida, qofkii soo sheega meeshu isku qarinaayo waxu muddane yahay qofkasi hal neef oo geela. kkkk

    xamiiska waxaba igaga dharan koofiyadas ruwaayada ah ,ay iswada dabasidaan waxan siyaasiyiintas.xamiis, tusbax weyn ambase koofiyadi kama dhigayso sheek ,dadka camada aya lagu dhici jiray filmkaas.

  22. umu aisha says:

    aniga yuusuf lamayaabani waayo kuwa culuma sheeganayaya ayaa dastuurki lixtanki hala ansixiya ku fadwooday oo gaalo taageera oo muslimiintina argagixiso kusheegay marka yuusuf damiin ma ahane casharka isbabalaka qamiiska iyo koofida ayuu sifiican u aqriyaya
    rail odinga horuu u soogashtay hada waxaan ka sugeynaa qamiis iyo koofi waa moi kibaki iyo yoweri museveni waxa badan ayaan horay u yaabnaye yaab kalan waa dhiman yahay oo baryahaaan waxaba isoo gaaraayo in qamiisyadi iyo koofiyadih qaaloobeen oo koofi shariif suuqa laga waayaya marka arin ku waa nin nooloow maxaa aragti kuulaaba

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS