Xildhibaan C/qaadir Sheybe Oo Lagu Dilay Magaalada Garoowe Kana Soo Jeeda Gobalka Bari, Yuuse La Dhashay?..


GAROOWE:-
Waxaa Magaalada Garoowe lagu dilay Xildhibaan C/qaadir Sheekh Maxamuud oo loo yaqaano C/qaadir Sheybe, Xildhibaan kaan ayaa  kasoo jeeday Gobalka Bari, Beesha Cali Saleebaan, wuxuuna la dhashay Gabyaaga caanka ah ee Khaliif Sheekh Maxamuud.

Waxaa la sheegay in uu Salaaddii Subax kasoo baxay kadibna lagu dilay Masaajidka hortiisa Xaafadda 1 Augoust, dablaydii hubaysnayn ayaa goobta ka baxsaday, xiisad baaritaan iyo jahwareer ayaa ka taagan Magaalada Garoowe, sida caadada u ah Maamulka Asha-haado ladirirkaa waxay xabsiga u taxaabeen Dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Gobalada la magac baxay Puntland ayaa inta badan waxaa kadhaca dilal qorshaysan oo aanan la garanaynin cidda ka dambaysa, balse waxaa shacabka intiisa badan ay tuhun weyn ka qabaan ciidamada PIS’ta loo yaqaano iyo Hay’adaha calooshood u shaqaystayaashaa ee ku sugan Gobalada Waqooyi Bari.

Waxaa shacabku aad ula yaaban yihiin sababta Masaajidda dhexdooda ama banaankooda loogu dilo Dadka, isla markaana dhammaan dilalka qorshaysan ay oga dhacaan Masaajidda hortooda?, waxaa shaki weyn ka taagan yahay in Golabada Waqooyi Bari ay ka furan yihiin xafiisyo lacag ku qaata sidii ay u dili lahaayeen Qofkii loo diro, Dadkuna waxaya tuhunsan yihiin PIS’ta iyo dhammaan Hay’adaha hoos taga Maamulka Asha-haado ladirirkaa.

C/laahi Shire
Somalimidnimo.com

 

7 Responses

  1. sara says:

    waxaa dilaay kuwao horayba masjidka dadka kasoo baxaayo dili jiray manta uguma horeyso nin masaajid kasoo baxo oo ladilo- ilahay umada dhibka ha kasaray cadoow rabo in u iskudiro dadka walalaha baa waxaan ka shaqeeeynayo-xisaab ilahay agtiisa beey talaa

  2. ALLAHU AKBAR says:

    Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryaynaa in dadka iyagoo Ilaahay dartii usooman kasoo baxay Masjid Salaad ilaahay dartii ugu soo tukaday Sujuuda ka tooganaya in ilaahay aduun iyo aakhiraba ku cadaabo waan soomanahay ilaahay ducadayda ha iga aqbalo.

  3. Gaadh says:

    Waawax lafahmi karo incida kadanbaysa dilka dadka masaajida jasoobaxa ay yihiin cid uu ogyahay maamulka meesha kajira ilaahaw xaqa natus raacitaankiisana nagu irsaaq aaaamiiiin

  4. ALLAHU AKBAR says:

    somali-midnimo noqda warbaahin dhexdhexaad ah meeshan waxa loogu talo galay qof walba fikradiisa inuu ku cabiro ee wararka qaarna inaad galisaan qaarka aad iniku danaynaysaan kuwa kalena aad ka saartaan waa daciifnimo waana wax laga fiican yahay 100&.

  5. lafoole says:

    Waxay isleeyihiin hal dhagax labo shimrood ku dila. kow raga diinta loo yaqaan oo madaxda ah dila. labo. Alshabab u tiiriya ama ha lamoodo.

    Saas Dr.Axmed cabdiraxmaan ayey ku dileen. waana wadayaan inta bari ka holci doonto.

    ufiirsada goormaa ugu danbaysay sh.dhexe oo wax lagu dilo. goormaa u danbaysay Sh.hoose oo wax lagu dilo. baladwayn waxaa diliinku soo noqday markii kufaarku qabsaday.

    baydhabo waxaa diliinku soo noqday markii kufaarku qabsaday. kismaayo oo goormaa ugu danbaysay wax la dilo waxkasta ha nowdeene. goormaa umada soomaliyeed fahmaysaa in dilka iyo boobka iyo kufsigu lasocdo mooryaanta dowlada isaga dhigaysa ee xukunta.

  6. Qorane says:

    Asalaamu calaykum.ilaahay baa kumahadsan dilay murtadka ilaah nimada sheegtay.masaajid hortiis iskadaaye waxaa lagu dhexdili masjidka dhexdiisa.war madaxa jabiya murtadiinta iyaga oo sujuudsan.

  7. sahra says:

    ninkan wataa cali shire nolasha waxa ugu jaceel badanyahay in puntland dhulka lala gooyo -waxuu jecelyahay in iisku diro waxa waxaan sameynayna waa adiga iyo wax kula mid ah oo ee reer puntland madax isuwada gasho lakiin cidna kama aqli yare ninkagan shire wato oo diinta ku soo gabnaayo bari buu kasoo jeeda iyo xaguu kasoo jeeda -waa qoryaha ha lisu qaatoaan– cadwga puntland warya shaqo yeeelo ; kan..qorane wato subxaan allah mid sajudsan iyo mid masajid kasoo baxayaa hadii ladanwayeey diintii iyo ilahay ka cabsashadii meeday subxaan allah ilahoow qof muslim ah dhiigisa ha igu sababin

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS