عند الشدائد تُعْرَف الإخوان

 

الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله، صلى الله عليه وعلى آله وصحبه وسلم

 

Waqtiga dhibka leh baa la bartaa qofka walaalka ah. Qof kastaa waa ogyahay xaaladda waddanku ku jiro. Waddanku gumeysi buu ku jiraa! Qofka walaalka ah waxaa ugu horreeya qofka caalimka ah ee sheeganaya inuu dhaxlay Nabi Muxamed (SCW). Aawaye wadaaddadii beri-samaadkii sheegan jiray inay dhaxleen Nabiga (SCW)? Ilaahay baa hoojiyey oo tusay inaysan wadaaddo sax ah ahayn! Soow Suubbanuhu (SCW) ma oran:

عن سعد بن أبي وقاص ـ رضي الله عنه ـ قال: قُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَيُّ النَّاسِ أَشَدُّ بَلَاءً؟ قَالَ: “الْأَنْبِيَاءُ ثُمَّ الْأَمْثَلُ فَالْأَمْثَلُ، فَيُبْتَلَى الرَّجُلُ عَلَى حَسَبِ دِينِهِ فَإِنْ كَانَ دِينُهُ صُلْبًا اشْتَدَّ بَلَاؤُهُ، وَإِنْ كَانَ فِي دِينِهِ رِقَّةٌ ابْتُلِيَ عَلَى حَسَبِ دِينِهِ، فَمَا يَبْرَحُ الْبَلَاءُ بِالْعَبْدِ حَتَّى يَتْرُكَهُ يَمْشِي عَلَى الْأَرْضِ مَا عَلَيْهِ خَطِيئَةٌ

Waa Xaddiis Habboon. Sacad binu Abii Waqaas (RC) wuxuu leeyahay: waxaan iri: Rasuulkii Ilaahayoow (SCW) dadka kuwee ugu imtixaan adag? Wuxuu yiri (SCW) Nabiyada dabadeedna kuwa ku xiga (sida culumada iyo dadka Nabiyaasha ku deyday). Ninka waxaa la imtixaamaa hadba inta diintiisu tahay; hadday diintiisu adagtay waxaa ku dhaca dhib daran; haddii jileec ku jiro diintiisana haddba qaddarta diitiisa baa la imtixaamaa. Qofku dhibaato kama baxo ilaa uu ka socdo dhulka isagoo dambi la’aan ah!

 

Ka warran wadaaddada iyadoo waddankii gaalo heysato diyaaradaha iska raacaya? Iska Xajinaya? Iska caayaya Mujaahidiinta? Waxaa ugu daran in hadda wadaaddada qaarkood noqdeen dambibaarista Faroole, Siilaanyo, iyo Xasan sh. Maxamuud. Waxaad arkeyseen in dad Muslimiin ah oon dambi lagu caddeyn lagu soo qortay shabakadaha Ictisaam.

Insha Allaahu waqtigan adag dartiis waxaan u shaqeyneynnaa diinta, dalka, iyo dadka. Marka waxaa bilaabeynnaa dhowaan barnaamijyadii aad nooga barateen. Marka waa caddahay cidda heshay dhaxalka Nabi Muxamed (SCW)!

 

Somalimidnimo.com

3 Responses

  1. sumaya says:

    Asc wr wb soo noqda idinkoo nabad ah gob islaameey waan idiin oomanahaye illahay cadaabkiisa ha idinka difaaco isagaa caadil ahe amiin.

  2. Musani says:

    Asc wr wb dhamaan wlalaha muslimiintaa gaar ahaan mamulayasha webka somalimidnimo .com waxan leeyahey inbadan ban xaqaad cadey jirteen uharaadney ee so noqda ilahna ha ini dhowro

  3. Cadaalad says:

    Masha’Allaah walxamdulillaah. Aad baan ugu farxay in ay Somalimidnimo howada dib ugu soo noqotay. Fadlan dadaalkiinii halkii ka sii wada.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS