DHAGAYSO: Nin Sheegtay inuu ka mid yahay Guddi loo Saaray Dilkii Dr Axmed Xaaji Iyo Mid ka mid ah Dadkey Eedeeyeen, Xasan Surato Oo Ka Jawaabaya

WARBIXIN:- Waxaa dhawaan guddi la sheegay in uu baaritaan ka sameeyey dilkii  Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan Ilaahay ha u naxariistee ay shaaciyaan magacyada dhallinyaro iyo masawiradooda. Haddaba dad badan oo adduunka daafihiisa ku nool ayaa isweydiinaya dilka Dr Axmed Xaaji  haddii Xarakada Al shabaab lagu eedeeyey, maxay ugu yaraan 10 Qof ay ugu soo direen in ay dilkaas fuliyaan?

Dadka hadda lahayo ama la raadinayo waxay gaarayaan dhowr iyo toban Qof. Qaar kamida hadda waxay sheegeen in sanadkii hore ay Xajka lagutteen Dr Axmed Xaaji. Dadkaas waxaa kamida Xasan Jaamac Surato oo dhawaan warqad ugu jawaabay guddiga baaritaanka dilkii Dr Axmed Xaaji loo saaray.

Waxaa Shacabka Soomaaliyeed ay la yaabban yihiin sida dad 20 qof kudhow ay Xarakada Al shabaab ugu soo dirtay in ay dilaan Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan? Sidaas darteed ayaa dadka badankiisu rumaystay Bayaankii Xarakada Al shabaab ay u dirtay Beesha Leelkase. Bayaankaas oo ay ku beeniyeen in ay dileen Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan.

Bal aan wada dhagaysanno waraysiga Ninkamida guddiga baaritaanka ee uu sheegay Ashahaad- ladirirka Puntland iyo Culimo uu sheegay Puntland in ay joogaan in ay sameeyeen kaddibna waxaan hoos ku daabacaynnaa Waraaqdii Xasan Surato. Waxaa kale oo aad dhagihiinna ku maqli doontaan Xasan Sutaro oo ka jawaabaya baaritaanka ay soo bandhigeen guddiga dilkii Dr Axmed la yiri waa loo saaray.

Dhinaca kale waxaa suurta gala Dad kale oo eedayn gudigaan usoo jeedinaya in ay hadlaan ama qaraabada kuwa gacanta lagu hayo ay waraysiyo bixiyaan.

Dhagayso Nin Gudiga kamida iyo Xasan Surato oo u jawaabaya MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Isha Maqalka Idaacadda VOA. | Bayaankii Xarakada Al shabaab, Codadkii Ama Waraysiyadii wixii dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan laga yiri iyo Bayaanadii Tacsida ahayd, ee Gob-Islam diyaarisay, dhammaan Halkaan Ka Akhri Halkaan Guji Ama Riix

Waraaqdii Xasan Surato oga jawaabay baaritaankii guddiga hoos ka Akhri.

Asalamu alaykum waraxmatulaah  aniga oo ah nin layiraahdo Xasan Jamac (Xasan Surato) oo  ah arday wax kabarta dalka malaysia kana yimid dalka somalia gaar ahaan garoowe Puntland somalia, waxaan kamid ahaa dad lagu soo qoray  warbaahinta somalida qaarkood,sida Shhacabkamedia, kuwaas oo gudi isku magacaabay gudiga madaxabanaan ee dilkii Dr Axmed C/salaan ee aan lahayn tixraaca kuwaas oo sheegay baaritaan dheer kadib dad badan oo aan kujiro inay falka wax kafuliyeen ama qorshaha wax kulahaayeen gaar ahaan aniga qaybta laygu xusay waxa lagu sheegay inaan qorshaha wax ku lahaa  ahaana madaxa aminiyaadka alshabaab ee puntland.

hadaba halkaan waxaan ku cadaynayaa qoraal kooban oo isugu jira cadayn shaqsi ahaan waxan ahay iyo cadaynta warkaan ladaabacayTaariikhdayda oo kooban hadaan xuso waxaan ahay nin kudhashay garoowe kuna barbaaray ilaa waxabarshada dugsiga sare oo aan dhamaystay sanadkii 2005 intaas kadib waxaan noqday macalin school.

sanadkii 2006 waxaan ahaa dhalin yaro raacday koox culimo ah oo aaday muqdishu si ay wax uga ogaadaan maxkamadihii islaamiga ee muqdishu kajiray, wax xil ah kama qaban ciidana kama noqon laakiin kaliya waxaan ahaa mid culimada sar sare ee puntland katimid lanool oo ka ag dhow wixii cadayna culimada baa lawaydiin karaa.

sanadkaas kadib marki ay burbureen maxkamaduhu waxaan kamid ahaa ilaa 50 dhalin yaro kudhowaad kuwaas oo madaxweynihii hore cabdulaahi yusuf allaha unaxariistee uu kasoo baxshay nooligaaniga iyo dhalin badan waxan kunoqonay puntland , waxaana kashaqo bilaabay sanadkii 2007 shirkada dahabshiil garoowe taas oo ilaa 2010 aan ushaqeeyay wixi cadayna xafiiskaa lawaydiin karaa.

bilawgii 2010 dagaalo dhexmaray puntland iyo kooxdii galgala waxaa isoo waajahday warar been abuura ah kaas sheegayay inaa taageero alshabaab ama aan katirsanaa Arintaas oo saamayn badan kuyeelatay dhamaan dadkii tagay maxkamadaha ee kasoo noqday.

intaa kadib waxaan go’aan saday inaan kabaxo dalka si aan waxbarasho dibada ah u aado laakiin kahor waxbarashada,  23 october 2011 waxaan aaday xajka si aan uguto waajibka alle una caawiyo Eedaday oo ila xajinaysay.

waxa xusid mudan in aan wada xajinay oo isla daganayn dad layaqaan oo lawaydiin karo sida islaan ciise islaan maxamed iyo qaar kale oo badan waxa kale oo xusid mudan inaaan wada xajinay shiikh axmed xaaji allaha u naxariistee aniga  waxaan usii joogay Sucuudiga arimo caafimaad.

05 december 2011 aniga oo kusugan magaalada makkah almukaramah ee sacuudiga waxaa lay sheegay warka dilka shiikha waxaana xusid mudan aniga iyo dad aan kujiro inaan  xajka uga ducaynay shiikha iyo in lahelo cida kadambaysay dilka, Arinkaas kaas oo xanuun badan u geysatay bulshadeena iyo cidkastaoo muslim ah.

aqoontaan ulahaa shiikha marna isma lahayn waad waayi doonta ,  hadayba tiisa noqotayna isma lahayn adiga lagugu tuhmin  .  hadiiba lay tuhmay ilay bini aadam baan ahaye isma lahayn adiga oo aan waxba lagu weydiin ama hadaan maqanahay lay heli karay  warbixintayda ama familkayaga la oran karay dood baan uqabnaa ee hayimaado ama layla soo xiriiro.

laakiin nasiib daro madhicin taasi iyo wax baaritaan ah oo lay weydiiyay aniga iyo familkay  mana wanaagsana qof muslima in sharaftiisa sidan loogu xad gudbo iyo karaamadiisa mida kale oo laygu been abuurtay waa inaan ahaa madaxa amniyaadka alshabab ee puntland aniga oo ay cadahay inaanan waligay alshabaab kamid noqon taageerin wax xiriir ahna la yeelan

waxana la og yahay waqti walba meeshaan kusugnaa ama kashaqeeynanayay noloshayda kadib xajka waxaan imid malaysia 21 janaayo 2011 halkaas oo aan jaamacad kawado hada hadaba gabo gabadii:-

1:  waxaan cadaynayaa in aanan  alshabaab katirsanayn kana hayn wax xil ah sida aminiyaad iyo waxa lasoo qoray.

2:waxaan beeninayaa in aysan jirin wax lug ah oo aan kulahaa dilka shiikhii allaha unaxariistee

3 :waxaan cadaynayaa inaanan wax shaqo ah ku lahayn aqoonin dhamaan dadka loo haayo dambiga dilka shiikha

marka laga reebo wiilka layiraahdo axmed mohamed cali oo aan isaga oo yar aqaaanay ayna aragiisa iigu dambaysa 2006 garoowe

4: waxaaan  cadaynayaa inaa diyaar u ahay in aan tago goob walba ay joogto cid wax cad igu haysata dalka dibadiisa

ama gudihiisa sida bosaso ilaa galdogob si aan sharciga ugu kala baxno

5: waxaan kadigaya in lasameeyo video dad lacabsi galiyay ama been abuura sida hada  kahor dhacday taas oo ay isticmaalaan marar badan kooxaha soomaaliya kudagaalama .

6: waxaan ugu baaqayaa qaraabada shiikha in ay sigaara u fiirshaan  arinkan ladaabacay  si hadii wax tuhun ah layga qabo aan ugar baxo hadii kalana raali galin laga baxsho bulshadana loosoo bandhigo

7: waxaan codsanayaa in lawado aaana laga daalin baaritaanka dilkii shiikha si cadaaladaiyada oo laga fiirsanayo wax walba lagana dheeraado war layska daabaco cadayn la aan iyo tixraac

8: waxaan cadaynayaa inaysan dhaawacayn sharafta iyo karaamada aan kuleeyahay bulshadayda aan jeclahay warar been abuura oo cida faafisay iyo cadayntoodana lahayn.

9: waxaan kudadaalayaa inaan sharci ku kala baxno dadka imadax goostay.

10 : dhamaan umada soomaaliyeed waxaan kacodsan in loo duceeyo in allah kashifo cida sida dhabta ah uga dambaysay ama fulisay dilka shiikha allaha u naxariistee haday yihiin kuwo lahayo iyo haday yihiin kuwo kaleba.

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin-Shacabkamedia

Wixii faahfaahin ah ama ubaahan cadayn intaa kabadan waxaan u ahay diyaar marwalba iyo meelwalba ee igala soo xiriir Emailka hoose.

Email: xasanjaamac@hotmail.com 

8 Responses

  1. jundullah~52 says:

    waxaan layaabanahay kuwan gudiga lagu sheegay ee isqarinaya ee leh waxbaan cadaalad horkeeneeynaa,waan filanayey in warkaan leyskaga dabatagayo.

  2. ahmed farah says:

    bentodwayeayakadilen sida lo gu so e deyni ayey waxbarayo iskadhigahayaan insha alalahu tacala way sobixidonta runta

  3. abuubakar says:

    kudhawaad sanad ruwaayad eeydiyaarinaayeen ayeey i minka soodaayeen mawka waxeeynu leenahay qol yoowga daawanraba ruwaayadaan maahid mid cusub horay ayaa loodawaday fadhiga yuusan idinka xumaan

  4. qorane says:

    asalaamu calaykum. video been abuur ah umajoogsanayo islaamku.gaalo dhan baa kusooduushay islaamkuna wuu sii xoogaysanyaa.
    -
    axmed xaaji baa ladilay kuwardiya waligiin. pis baa dishay hadana video been abuur ah soosaaraysa waayaab.kooxda ridada ictisaam cabaad looma baahna ee hadaad wax isku haysaan saaxada dagaalka imaada.
    -
    asc.

  5. SALAXUDIIN says:

    waxaan filayaa maamulka puntaland ayaa markiiba shabaabka dusha u saaray dilka shiikha culimada ictisaamna isagoon qabrigaba la gayn bay ku raaceen dilka sheekha .

    1– hadaba waa yaabe yaa u khabray inay shabaab dileen ?

    2–maxay markiiba u soo qaban waayeen dadkaan ay hada soo ururshen ?

    3–waxaase si aan caadi ahayn iiga yaabshey ninka dambiilaha lagu sheegay

    ee waraaqda akhrinaya kursi jiifkana ku dangiiga {waa uraasta fdhiga ee marti sharafta loo dhigo} ma dambiilaa mise waa madaxwayne warbixin laga dhegaysanayo.?
    4– weli ma daawan been abuur saasoo kale loo xarageeyey.

    5– warbixintaanse ma dad waxkala garanayaa loogu talo galay mise caamo ?

    6–ALLAHA u naxariistee dr sh Axmed x c/man kama shisheyo kamana sokeyo mamulaka puntaland iyo cawaantiisa .waana xaqiiq biyo kama dhibcaan ah warkana xaqiiqdiisana fisha mudo aan dheeray insha ALLAAH

  6. Timir says:

    Bismillaah: Walaalayaal Allaah ha na xifdiyo namana baadiyeeyo markuu na hanuunshay ka dib. Ictisaam waxeey marayaan meel Allaah laga magan galo waxeey yeesheen sifaadkii Yahuudda oo Diinta qaybna wey qarinayaan hadeey danahooda ka hortimaado qaybteey is leeyihiin waad ku qaraaban kartaanna oo eey caamada ku khaldaayaana wey muujinaayaan Gaaladiibeey walaaleysteen Muslimiintii Mujaahidiinta ahaana wey colleysteen Xaqii eey horay u sheegi jireen bey buriyeen oo nin waliba asagaa is radin isugu filan.

    Hadab Allaah aynu sugnaan weydiisano.

  7. Au nur says:

    Daaci inu cabado oo baryotamu wa sax xita hadiiladilo sida dr ahmad nabimuxamada(s.a.w) markey dhiiga kashuben muxu kucalacalay “sey uliibani qolo nabigodi diig kashubay .marka culumada aadledihin saxada dagalka imada sas ayey ufikirayan ogada inigana alaha inihagagsho culumadana alaha inodayo

  8. umu_barau says:

    illahay lahaa ayaa sheikha u dooray labada daarood mid lama hurraanka aheyd, waxaanse sidii wadkayga u hubaa inay dilleen ashahaado la dirirka, waligoodba masaakiinta sidaa ayey u qabsan jirreen, illahay waxaan ka baryayaa midkastoo been abuurka masaakiinta gacanka ka geysta inuu aduun iyo akhiro ku ciqaabo amiin, Qabaxahumullaaahu miyeysan ogeyn inay wadaaddii tabliiqa ahaaa lagu dillay hortooda, maxayse caqliga u kaashan dhacda,daaasna wax ugu qaadan la,yihiin, illahayoow sheik axmed u naxariiso kuwii dhagartaa gallayna soo qabo adigaa qaban karee masaakiintaana ka badbaadi dhagarta ay la damacsan yihiin amiin.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS