DHAGAYSO: Nin Taraafikada Muqdisho Kamida Oo Sheegay In Ciidamada Shisheeye Ay Dadka Baabuurta Jiirsiiyaan!.


MUQDISHO:-
Sargaal kamida  kooxda Riddada ee Villa Soomaaliya, kana tirsan waaxda Taraafikada ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee dadku u yaqaannaan Amisom ay jiirsiiyaan Baabuurtooda  Dadka, gaadiidka dadweynaha iyo Hantida kale ee shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu Sargaalkaasi caddeeyey in shilalka ugu badan ee magaalada Muqdisho kadhaca ay gaystaan ciidamada shisheeye oo baqa carar  iyo fulaynimo kumara waddooyinka magaalada Muqdisho.


Sargaalkaan ayaa sheegay in aysan xattaa ciidamada shisheeye aysan ku leexan markii ay Qof jiiraan! Sidoo kalana wuxuu sheegay in Baabuur badan ay burburiyeen isla markaana dadkii iska lahaa Baabuurta aanan wax xaq ah lasiinin. Wuxuu Sargaalkaan xusay dhowr Qof oo gaadiidkooda ama Hantidooda ciidamada shisheeye ay burburiyeen oo Baabuur ay jiirsiiyeen.

Sargaalka ayaa yiri, Dan ayaa noo keentay, hadalkaas oo u muuqda mid caluulxuma ah, waxay tilmaan u tahay sida ciidamada shisheeye ay shacabka Soomaaliyeed u xasuuqayaan iyo gumaysi in ay ku jiraan horjoogayaasha cadowga horgalka u ah. Waxaa layaab ah in xattaa Qofkii ay Tow ama Taangi ay jiirsiiyaan aysan u istaagaynin oo sidii xayawaankii aysan dib u eegaynin!.

Dhinaca kale Askari katirsan kooxda Riddada ee Villa Soomaaliya ayaa Rasaas si bareera ugu furay, Dad shacab ah oo saarnaa Gaari BL ah ama Basaska Xaafadaha magaalada Muqdisho loo kala raaco, ma jirto cid ka hadasha xasuuqa shacabka Soomaaliyeed lagu hayo, dhawaan ayey ahayd markii gaari BL ah ay ciidamada Amisom ku dhufteen Xabad laga soo tuuray Taangiyada ciidamada shisheeye.

Dhagayso hadalka Sargaalka ka tirsan Taraafikada Muqdisho oo Warbaahinta la hadlayey MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com 

2 Responses

  1. Abuufatima says:

    Hadaadan hadaadan
    Hadaadan dalkaaga
    Dantooda u joogsan
    Dagaal gali waydo
    Gumaysiga diidin
    Difaacin islaamka
    Dariiqa Rasuulka scw
    Hadaadan difaacin
    Hadaadan dayuuska
    Kufriga daba taagan
    Dubaakhda u gawysan
    Hadaadan diyaarsan
    Waxaad duunyo hayso
    Hadaadan dareemin
    Gumaysi ku duudsin
    Hadaadan ka diidin
    Wuxuu damcay gaalku
    Inuu ku dilaayo
    Inuu ku daqraayo
    Inuu ku daciifsan
    Ku duudsin hadhawna
    Daliilku cadeeye
    Hadaadan dareemin
    Kufriga kugu doobin
    Calaacalka dayso
    Kufriga dumarkaaga
    Dariiqa ku fuuli
    Dushana kamarsiiya
    Uuray didi wayday
    Calaacalka dayso

  2. galo weyle den alxamdulilah way ba ba en gal iyo dabadhilif hatkadabahari ila iyo bada bur sada insha alah ala cudur la aqani ku ridi do

    ciilo10@hotmail.com

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS