Faroole oo Damcay inuu Xildhibaan C/Weli Gaas ka Raafo Boosaaso!

Sida wararku sheegayaan beryahanba wuxuu Faroole damacsanaa inuu soo raafo xildhibaan C/Weli Gaas! Mar horaba dad iyo wariyaal soo dhoweyn lahaa C/Weli Gaas ayaa PIS u diideen inay soo dhoweeyaan. Waxaa maanta Boosaaso kula hadlay guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada, iyo taliye Afdalow. Waxay u sheegeen inay jirto codsi ka yimid madaxtooyada Puntland in C/Weli ka baxo magaalada Boosaaso maaddaama uu faraha kula jiro shirar uu la leeyahay odayaasha, ganacsatada, iyo shacabka Boosaaso!

Xildhibaan C/Weli Gaas wuxuu ku doodayaa inuu ka soo jeedo Puntland uuna yahay xildhibaan Soomaaliyeed oo matalaya shacabka Puntland mana jirto sabab looga raafo Boosaaso!

Faroole muddo badan buu dadweyne Soomaaliyeed oo Koonfurta ka yimid ku hayey uma dhalan Puntland! Waxaa hadda la raafayaa reer Mudugii Puntland!

Waxaa suuqa lagu kaftamayaa in nin faaliye ah ku yiri Faroole: haddaad Puntland ku sameysid muddo-kororsi, sidii C/Laahi Yuusuf oo kale baad  noqoneysaa madaxweyne Soomaaliyeed! Marka aan eegnno meesha arrimuhu sal dhigtaan! Mar horaba Faroole wuxuu geeska gashay Suufiyaashii; isagoo soo dhoweystay Ictisaam.

 

C/Laahi Shire

Somalimidnimo.com

3 Responses

  1. Abuufatima says:

    Kanu waa Mahigee
    Midka kanina waa kuma
    makanaadan garan karin
    Muftigiisi wee yee
    Maad maqal miyaa
    Mirihii Alghaazee
    Markhaatiga u keensaday
    Magacaabay odayadi
    Ku ismee muftiga yiri
    Macnihiyo ujeedada
    Mufti yuu u yahayoo
    Loogu magacdaroo hore
    Gaalada madaw iyo
    Mooryaanta reer yurub
    Hadba kii u muruq wayn
    Masruufkaana ka iibsada
    Yuu kanu mufti u yahay

  2. Abuu cumar says:

    War dag daga oo muslimiinta ku farxaan gaalada iyo murtadiintana ka nixiya.
    Gaalka wasiir ku xigeenka arimaha dibeda u ah Kenya ninka lagu magacaabo Richard Onyonka oo la hadlaayey jariidada lagu magacaabo Daily Nation.
    Waxa uu maanta afkiisa ka qirtey in dowlada kiristankaa ee Ugandha ee dalkeena ku soo duushey in shabaabul mujaahidiin eey ka dileen 2700 askari oo ugaandhees ah .
    2700 ayeey qirteen marka inteey qaraniyaan ayeey idinla tahey ,suaashaas idinkaan idiin daayey.
    Dhinaca kenya waxuu yirri ilaa afartameenyo ayaa noooga baqtisey soomaaliya, taasna waa fahmi kartaan inuuna run ka sheegeen

  3. waheliye_3 says:

    Kkk Cajiib!! –Xataa Anaa miyay mareysaa?
    Abu faadumoow falaad xumida ina faroole
    Waa Fircownkii seexdaye Haamaan fiiri dalka yiri
    Ee Habar fajacsanoo Hashii fiidmalka caruurta
    Baqtigeedii fagaaraha keentee Aaway tiri ficoon
    Fariidkii Allaha noo ahaa Nafta ha’iigu Afuufee
    Farsamaduu ogaa Haaman iyo falka beentaaye
    Khalqi cusub falkintii Ayuu ufadhiyaa fircowne
    Furo hashiisan fiican asna fiidka tan hanooleyo
    Ficilkii dhacay markii foolxume fircon loo sheegay
    Fududaatay Haamaanoow’e maxaadan iigu foorin
    Waaba fahmeysnaaye horaan ka fariisin lahaa hashee!
    Hamaanoo Anfariir fajacaa kuyiri xataa ana yaa fircoon!!
    Hadda faroole fadeexaddii tarxiilka ina Gaas kufariisiyay kk
    ******************************************
    Warka Balo Hadde waa Annagii Boowe ahaa,,Cajiib kkk

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS