دم جديد أم ذم جديد
الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله، صلى الله عليه وعلى آله وصحبه وسلم
Sida muuqata Xarakada Ictisaam waxay cagta saartay dhabbihii Islaaxa! Bilowgii Sagaashanaadkii waxay Ictisaamku ku dacaayadeyn jireen Islaaxa iyagoo dhaha (الصوفية المعصرة)! Wixii ay Islaaxa ku sheegi jireen iyagaa ku dhacay! Waxaan idin maqashiinnay wadaaddo Ictisaam ah oo leh: Baarlamaankii Shariif wuxuu ahaa kii ugu fiicnnaa ee soo mara dunida Islaamka! Ma rabtaan inaan codkaas ku soo celinno? Isla wadaaddadkaas baa dhowaan lahaa: waxay la kulmeen Xasan sh. Maxamuud intaan loo dooran “madaxweyne” Soomaaliyeed! Wuxuu Maraykan ka lahaa: haloo soo dhoweeyo Xasan sh. Maxamuud?
Waxaa jirtay mar Cumar Al-Bashiir iyo Xasan At-Turaabiga Suudaan loo heystay Ikhwaanul Muslilmiin balo ka dhacday! Laakiin reer Galbeedku waxay ogaadeen in dad badan oo Xarakaad Islaami ah sheegta yihiin dadka ugu waddaniyadda xun dadka Muslimka sheegta! Yaa baxshay Koonfurta Suudaan? Waxaa arrintaas markhaati u ah: yaa ka shakhsiyaad xumaa Shariif sheekh Axmed, Ibraahim-dheere, iyo wadaaddada Ictisaam ee ina Iley ugu qabtay Seminaarka Jigjiga? Waxaan idin maqashiinnay Xuseen Caydiid oo eedeynaya Itoobiya oo leh waxay rabtaa inay qabsato Soomaaliya halka wadaaddada Ictisaam iyo Islaaxu difaacayaan Amisom iyo Itoobiya? Marka waxay u dhowdahay in Xasan sh. Maxamuudkan la keenay laga dhameysanayo in Koonfurta Soomaaliya loo gooyo Kenya; inta kalana la siiyo Itoobiya!
Hadday Ictisaam la shireen Xasan sh. Maxamuud ooy qurbaha ka lahaayeen hala soo dhoweeyo Xasan sh. Maxamuud maxay hadda u caayayaan Islaax ama uga gaabsadeen? Waxay nala tahay waa Ictisaamka oo u dhaqmaya qolyaha diintu sheegtay oo kale:
وَمِنْهُمْ مَّن يَلْمِزُكَ فِي ٱلصَّدَقَاتِ فَإِنْ أُعْطُواْ مِنْهَا رَضُواْ وَإِن لَّمْ يُعْطَوْاْ مِنهَا إِذَا هُمْ يَسْخَطُونَ
Xaqiiqdii, qofkii wadaaddadaas is dhiibay ku raaca khaladkooda wuxuu isna la mid noqonayaa nin wadaad caabudaya:
اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لا إِلَهَ إِلَّا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Maxay Cumar Al-Bashiir u tartay bixintii Koonfurta Suudaan? Gaalo ma ku jeclaatay? Soow hadda waddankii diyaarado iskama dukheynayaan? Mee baarlamaankii Shariif ee Ictisaamku dhaheen isagaa ugu fiicnnaa Caalamka Islaamka? Marka Ictisaam iyo Islaax ma soo wadaan waxaan gumeysi ahayne; haloo istaago difaaca diinta, dalka, iyo dadka. Inkastoo Ictisaam ka qeybqaateen barnaamijkii kharriidadda jidka (Road map) haddana lama filayo in Bashiir Salaad iyo xulufadiisu heli doonaan xilal!
Somalimidnimo.com













































Very good analysis Ictisaam changed their previous philosophy and now they are trying to be interest oriented group rather than working for the Islam they used claim once. I will recommend Somalis not to waste their valuable time and energy for Ictisaam, they gone and they are no longer Culumaa’u Soomaaliya