
Jawaabtu waa fududdahay! Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in waddanku gumeysi ku jiro! Waddanka waxaa xukuma gaalo-madow ay soo wakiisheen midda cad! Tusaale ahaan ma jirto shaqo uu qabtaa wasiirka gaashaandhigga! Xitaa madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha iyo xubnaha baarlamaanka waa magac-u-yaal! Waad ogaydeen in wixii xildhibaannada lagu sheegi jiray aysan shaqo heyn ee lagu beddelay Kampala Accord!
Sidaas darteed qabiil kasta wuxuu rabaa inuu helo wasiirro u qaata mushaar oo diyaarado raaca marka la leeyahay shirar wasiir oo heer gobol ama caalami ah baa jira! Tusaale ahaan marka la leeyahay waxaa shiraya wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta; macquul ma aha in la geeyo korneyl u dhashay Yugaandha ama Kenya ee waxaa la rabaa in la helo qowsaar Soomaali ah oo sheeganaya wasiir! Marka danta laga leeyahay wasiirrada waa intaas iyo in loo isticmaalo turjumaan iyo basaasnimo ahaan! Laakiin xaqiiqo ahaan tirada wasiirrada ee la keeno waxba ma soo kordhineyso oo wada eberro la isku dardaray, intay rabaan ha ahaadeen. Tusaale ahaan haddaad eberro isku dartid waxaad heleysaa eber! 0 + 0 + 0 + 0,… + 0 = 0.
Teeda kale maxaa ka galay Axmed Diiriye wasiirrada la magacaabayo? Jawaabtu waxaa weeye saan sheegnnay oo oday kasta wuxuu rabaa qof ka socda oo mushaar u qaata!
Somalimidnimo.com












































Walaal maqaalkaan soo qoray waxaan weydiinayaa sawirka aad soo saartay maqaalka ma fahmin macnihiisa ee ma faahfaahin kartaa fadlan?
Asc walaalka iweydiiyay su’aasha aad bu umahadsan yahay walaal sawirka waa Amisom oo salaad casir ah dukaneysa inta Alle kadhigay muslimiin iyo kuwa calooshood ushaqaystayaasha soomaalida oo ayagana salaad ufadhiya.
Gunaanad dadka islaamka in latuso in Amisom aysan Gaalo wada ahayn oo ay kujiraan qaar Islaam ah,salaada ooga, soonka iyo waajibaadki Alle adoonkiisa kulahaa wabilaahi towfiiq Asc wr wb.
Walaal aan kuweediiyee hadii ee yihiin muslimiin maxaa qasbaayo in ee gaalada lasoo galaan safka lana dagaalaan islaamka iyo muslimiinta mahada sanid